crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaayadda Kalluunka lagu dhex daawado! | HimiloNetwork

Maqaayadda Kalluunka lagu dhex daawado!

MUQDISHO (HN) — Kafateeri ku yaalla Fitnam lamid ma ahan kuwa badan oo sidiisa oo kale shaah iyo cunno fudud laga helo.

Marka ay timaado maqaayadaha degaan la-jaalka oo dabeecadda qeyb ka muujiya, magaalada Ho CVhi Minh ee caasimadda labaad ee Fiitnam waa mid u gaar ah. Tanina ma ahan maqaayaddii koowaad ee xiriir dhow ka dhex abuurta dadka iyo noolaha badda ku jira midka loogu jecel yahay xagga quruxda iyo quudka oo ah kalluunka.

Koi Melody Café waxaa dhawaan laga furay magaalada. Waxayna kaliya shaqeynaysaa muddo sannad ku dhow. Inta ay macmiishu ku dhex sugan yihiin gudaheeda, waxay ku raaxaystaan cabitaanka iyo cunnooyinka ay ka helayaan iyaga oo isla mar ahaantaana ku ildoogsanaya quruxda abuurka Ilaahay.

Fadhiyo loo sameeyey sida xeero oo ay ku weegaarsan yihiin biyo ay ku jiraan kulluun kala midaba h aadse u qurux badan oo dadku badanaa ay gacanta u deystaan si ay u taabtaan.

Taniyo furitaankeeda waxay soo jiidatay indhaha dadka Fiitnaam. Waxaana ay helayaa booqdayaal badan oo aan kaliya dooneyn cabitaan iyo sheeko, balse inay ku ildoogsadaan noolahan cajiibka ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!