MUQDISHO (HN) — Samafalayaal Muslimiin ah ayaa isaga yimid inay cunnooyin bisil la gaaraan ku dhawaad 3000 oo qof kuwaas oo ku kala nool magaalooyin ay kamid tahay Albany. Waa qeyb kamid ah mashruuca jikada ka quudi oo ah dhacdo sannadle ah oo ay ka faa’iidayaan danyar badan. Waxaa kale oo bartilmaameedku yahay dadka hoy la’aanta ah – dibjirta ama darbi-jiifta.
“Ficil waa dadaal dhab ah oo ficil lagu kabay,” ayuu yiri Sohaib Chekima. “Abaabulayaasha iyo samafalayaashu midkood ma garanayo dadka ay kaalmeynayaan – kaliya bani aadnimo.”
Mashruucan waxaa la bilaabay sannadkii 2016-ka, waxaana uu kusii socdaa sannadkiisii sideedaad. Wuxuu u muuqdaa mid murqaha kusii fidsanaya magaalooyin kala duwan oo Maraykanka kamid ah sida New York.
Halkii shalay laga caawin jiray in yar oo kooban, hadda waxaa ka faa’iidaya kumaankun danyar ah.
You must log in to post a comment.