crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 4

Dunida Muslimka

Muslimiin baaskiil ku safraysa si ay yabooh ugu sameeyaan walaalaha Falastiin!

MUQDISHO (HN) — Iyaga oo kaga dayanaya sidii Suubanaha NNKH uu safar dhulka ah ugu kala socdaalay Makka iyo Madiina, dhalinyaro Muslimiin ah oo kasoo jeeda UK ayaa baaskiil ku goynaya fogaan dhan 550 km. Labadan dhalinyarada oo da’da 40 jirka jooga waxay qorsheynayaan inay si fudud hiigsigooda ku gaaraan kahor bisha Ramadaan. Hadafka iyo ujeedka ay ka leeyihiin socdaalkan ...

Read More »

Xiddiga Jeremiah oo qaatay diinta Islaamka!

MUQDISHO (HN) — Jeremiah Owusu-Koramoah, oo ah cayaaryahan 24 jir ah oo u dhashay dalka Marayanka ayaa qaatay diinta Islaamka. Wuxuu u dheelaa kooxda Cleveland Browns oo ka cayaarta horyaalka Maraykanka ee National Football League (NFL). Wuxuu asal ahaan kasoo jeedaa Ghana, waxaana uu go’aankiisu kusoo aaday xilli uu ku sugnaa baanise uu Sheikh Usman Nuhu Sharubutu, oo ah Qaadiga Guud ...

Read More »

Bisha Soonqaad oo dhalanaysa March 11.

MUQDISHO (HN) — Muslimiinta adduunka waxay bisha Ramadaan soo dhawayn doonaan maalin Isniin ah oo ay taariikhduna tahay March 11, 2024, marka laga qiimeeyo tirsiga bisha Hijriyadda. Waana sida ay u badan tahay in maalintaas ay wada soomi doonaan Muslimiinta adduunka ee shanta qaaradood ee dunida ku kala nool. Bisha Ramadaan waa bil Muslimiinta adduunka ay siiyaan mudnaan maadaama ay ...

Read More »

Masjid ‘sariiro’ ugu deeqaya isbitaalka degmada.

MUQDISHO (HN) — Tallaab loo riyaaqay aadna loo jecleystay ayuu ku dhaqaaqay Masjidka Middlesbrough Central kaddib markii uu isbitaalka magaalada ugu deeqay shan sariirood oo la jiifiyo bukaannada. Mas’uuliyiinta isbitaalka James Cook University Hospital, waxay u ahayd wax u ahayd wax weyn deeqdan waxayna ugu timid waqtigii ay ugu baahida badnaayeen maadaama ay wajahayeen yaraanshiyo dhanka sariiraha ah. Gohan Ihsan ...

Read More »

Baadarigii 45 sano kaddib qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) – Wuxuu 45 sano baadari ka ahaa kaniisad ku taal Australia. Gould David wuxuu ku dhawaaqay maalmo kahor inuu qaatay diinta Islaamka. Wuxuuna la baxay magaca Abdul Rahman. Barashadiisa iyo fahamkiisa Islaamka wuxuu kasoo bilowday Perth oo ah magaalo uu u tagay tacsida seedigiisa oo dhintay. Wuxuuna kiraystay hotel fogaan 150 mitir u jira masjidka oo laga maqli karo ...

Read More »

UNESCO oo Afurka kamid dhigaysa bandhig dhaqameedyada Aadanaha.

MUQDISHO (HN) — Hey’adda UNESCO ayaa si rasmi ah waxay afurka bisha Ramadaan ugu aqoonsatay kulan diimeed qeyb ka ah is-dhexgalka bulshada iyo wax wada qeybsiga. Afurku waa cunnada la cuno marka gabbalku dumo ama qorraxdu dhacdo inta lagu jiro 30-ka maalmood ee bisha Soonqaad. Waxayna hadda UNESCO u tirsanaysaa astaan kamid ah astaamaha muujinaya wadajirka iyo walaalnimada insaanka. Hindisaha ...

Read More »

Arday Muslimiin ah oo lacag u ururinaya Falastiin.

MUQDISHO (HN) — Arday Muslimiin ah oo da’yar kuna nool Blackburn ayaa qeyb ka ah tartan kubadda cagta ah oo loo qabanayo ardayda iskuullada. Qorshahoodu waa inay lacag ugu ururiyaan Muslimiinta reer Falastiin ee ku nool Gaza. Waxaa soo agaasimay dhacdadan  Hafiz Asif Iqbal iyoHanif Premi oo labaduba kamid ah jamaacada Masjidka Ghosia. Waxaana qeyb ka ah arday gaaraysa 100 oo ka ...

Read More »

Nigeria – 62 jir dusha ka qeybsan Qur’anka kariimka.

MUQDISHO (HN) — Dhabar-adeyg, nafhurnimo iyo dadaal joogto ah ayaa u suuragaliyay Liliana Mohammed, oo ah 62 jir dalka Bulgaria u dhalatay inay ka qalinjebiso dugsiga Qur’aanka ee ku yaalla gobalka Kano dalka Nigeria. Liliana 30 sannadood kahor ayay timid Nigeria kadib kolkii ay is guursadeen seygeeda Ibrahim Sambo, oo dhintay kaas oo u dhashay Nigeria. Waxay bilowday – 10 sano ...

Read More »

Da’yar Naafo ah oo dusha ka xifdiyay Qur’anka oo dhan.

MUQDISHO (HN) — Mahmoud Nasr, oo ah da’yar Masar u dhashay – ahna naafo – ayaa maareeyey inuu dusha ka qeybo Qur’anka kariimka ah oo dhan. Sida ay kusoo warramayaan warbaahinta, Maxmuud oo kasoo jeeda xaafadda Atildam wuxuu Qur’anka ku bartay dhageysiga Quraada sida macaan ugu codeysa aayaadka Ilaahay. Waxayna ku qaadatay labo sannadood inuu Qur’anka oo dhan ku xifdiyo. Juz walba ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!