London oo heshay maayarkii u horreeyey oo Muslim ah
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
May 7, 2016
381 Views
London, UK (Himilonews) – Sadiq Khan ayaa loo doortay duqa caasimadda London — isagoo noqonaya ninkii u horreeyay oo Muslim ah oo xilkaas loo doorto. Wuxuu ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha: waxaana la tartamayay Zac Goldsmith oo ka socday xisbiga muxaafidka ah oo muddo 8-sano hayey xilka duqa magaalada London.
Sadiq Khan ayaa helay 1,310,143 oo kamid ah cododkii la tiriyay—halka ninka la tartamaha Zac Goldsmith uu isaguna helay 994,614.
Sadiq, oo 45 jir ah, ayaa kamid ahaa 8 carruur ah oo ay dhaleen qoys kasoo guuray dalka Pakistan. Aabihii wuxuu ahaa darawal bas: hooyadiina waxa ay ka shaqeyn jirtay harqaan.
Wuxuu ka baxay jaamacadda North London oo uu ka bartay kulliyada sharciga waana garyaqaan.
Duqa magaalada London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo ballaaran – waxaana dadka qaar ay su’aal gelinayaan in Khan uu howshaasi kasoo bixi karo.
Isha: Mustaqbalradio.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-05-07
You must log in to post a comment.