MUQDISHO (HN) — Jeremiah Owusu-Koramoah, oo ah cayaaryahan 24 jir ah oo u dhashay dalka Marayanka ayaa qaatay diinta Islaamka. Wuxuu u dheelaa kooxda Cleveland Browns oo ka cayaarta horyaalka Maraykanka ee National Football League (NFL).
Wuxuu asal ahaan kasoo jeedaa Ghana, waxaana uu go’aankiisu kusoo aaday xilli uu ku sugnaa baanise uu Sheikh Usman Nuhu Sharubutu, oo ah Qaadiga Guud ee Ghana u jeedinayay Muslimiinta dalkiisa oo ku sugnaa caasimadda Accra.
Waxaa kelmadda towxiidka u qabtay sheekh Usman, isaga oo magaciisa Jeremiah Owusu ku beddelay Usman Sharubutu.
“Tani waa bartilmaameed noloshayda muhiim u ah oo aan ereyo lagu micneeyo loo heli karin,” ayuu yiri.
“Qofkii uu Ilaahay la doono iimaan iyo wanaag ayuu xaqqa fahamsiiyaa,” ayuu yiri.
“Ilaahayna wuu jecel yahay kuwo usoo laabta ee towbad-keenka badan.”
Sannadkii 1999 ayuu dhashay laacibkan.
You must log in to post a comment.