crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin 27 gabdhood oo suuqa ka xiray ka doonaya magdhow $75 million ah. | HimiloNetwork

Nin 27 gabdhood oo suuqa ka xiray ka doonaya magdhow $75 million ah.

MUQDISHO (HN) — Nin ku nool Chicago dalka Maraykanka ayaa adduun dhan $75 million oo magdhow iyo raaligelin ah ka doonaya 27 gabdhood oo barkulan la isku shukaansado uu ay isku barteen kuwaas oo si foolxun u caayay una bahdilay!

Nikko D’Ambrosio, oo 32 jir ah, wuxuu sheegay in haweenkan ay ka xireen suuqa shukaansiga kaddib markii ay ka bixiyeen faallooyin marin habaabin iyo aflagaado isugu jira si uusan marnaba gacan ugu dhigin gabar xiriir la yeelata oo uu lammaanihiisa ka dhigto. Waxay u reebi jireen farriimo qaldan dadka ka doonaya inay qof gaar ah sheekadiisa iyo shaqsiyaddiisa wax ka ogaadaan kahor inta aysan guda-gelin la sheekeysigiisa. Barnaamijkan ama barkulankan oo la yiraahdo Are We Dating the Same Guy, wuxuu lamaanaha siinaya xogo ku saabsan in qofka ay sheekada la wadaagi rabaan uu xiriir qarsoon uu leeyahay ama uu horay usoo sameeyey xiriirro ka fashilmay.

Sidaas darteed ayuu ninkan ku furayaa gabdhahan dacwaddan uu ku doonayo in looga qaado lacag dhan $75 million oo magdhow ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!