crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Dadka ‘aan Muslimiinta ahayn’ ee sannad walba bisha Soonqaad sooma. | HimiloNetwork

La kulan – Dadka ‘aan Muslimiinta ahayn’ ee sannad walba bisha Soonqaad sooma.

MUQDISHO (HN) — Bisha Soonqaad waa bil Muslimiintu u hoggaansamaan amar Alle ee la xiriira inay dartiis uga afxirtaan cunnada, cabidda iyo ka tagidda hadallada aan milgada ku dhisneyn.

Laakiin hadda kaliya Muslimiinta oo kaliya uma ahan bil soon. In kale oo aan Muslimiin ahayn ayaa sannad kasta la dhinac sooma bulshada Islaamka ee dunida gees ka gees ku nool.

Intooda badan waxay ku nool yihiin Bariga Dhexe. Arday Hollandese ah oo la yiraahdo Jayden Vermeulen – kaas oo in ka badan toban sannadood ku nool Imaaraatka Carabta – ayaana kamid ah. Waa sannadkii afaraad oo uu xiriir u soomayo.

“Saaxiibadayda Muslimiinta ah ayaan la soomaa; waxaana ka helay bedqab jir ahaaneed iyo mid maskaxeed,” ayuu yiri. “Aad baan ula qabsaday waxaana ka helay kalsooni iyo aaminaad nafsi ah oo aan naftayda ku tababbaray.”

Gina Valbuena, oo sidoo kale ku nool UAE kana soo jeeda Filibiin ayaa soomaysa. Taniyo sannadkii 2004 ayay ku nooshahay Bariga Dhexe. Waxaana ku dhiirrigeliyay saaxiibadeeda Muslimiinta ah inay la soonto. Hadda aad bay ula qabsatay dhaqan ahaan soonka.

Waxay si adag ugu joogsatay qeybta baaxadda leh oo Ramadaanku ka ciyaaray caafimaadkeeda iyo farxadda nolosheeda.

Zee Mashenge, oo 49 jir ah, wuxuu muddo dheer kaddib si ficil ah u gartay sababta ay bishan Soonqaad muhiim ugu tahay Muslimiinta oo ay u sugaan imaatinkeeda.

“Maalmihii koowaad aad bay iigu adkeyd soonka; laakiin muddo kaddib aad baan ula qabsaday,” ayuu yiri. “Waxaana ka helay deganaan ruuxi ah.”

Mana ahan keligiis midka fahmay macaanka ku jira bisha Soonqaad. Anuradha Kamath oo ah gabar Hindi ah oo goob dumarka lagu qurxiyo ku leh Dubai ayaa sidoo kale ogsoon middaas.

Waxay sheegtay in soonku uu isbeddel togan ku keenay nolosheeda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!