MUQDISHO (HN) — Filim sameeye ama jilaa caan ka ah gudaha Nigeria oo la yiraahdo Mercy Aigbe ayaa qaadatay diinta Islaamka waxayna la baxday magaca Hajia Meenah kadib shahaadada.
Xidigtan oo katirsan shirkadda filimada Nollywood ayaa islaamnimadeeda ku muujisay kulan uu goobjoog ka ahaa seygeeda oo la yiraahdo Kazeem Adeoti.
“In sha Allah, hadda kaddib magaceygu waa Hajia Meenah Mercy Adeoti,” ayay tiri sida uu kusoo warramay Warsidaha Daily Trust.
“Waan xasilay waana faraxsanahay. Waana markii koowaad oo aan soomo bisha Ramadaan.”
Gu’yaalihii lasoo dhaafay, dad caan ah oo jilayaal u badan ayaa qaadanayay Islaamka, waxayna ku biirayeen bulshada ugu ballaaran dunida oo ah Muslimiinta.
Vivian Metchie, Liz Da Silva, iyo Lola Alao ayaana kamid ah dadkaas qaatay diinta Islaamka.
You must log in to post a comment.