MUQDISHO (HN) — Iyaga oo kaga dayanaya sidii Suubanaha NNKH uu safar dhulka ah ugu kala socdaalay Makka iyo Madiina, dhalinyaro Muslimiin ah oo kasoo jeeda UK ayaa baaskiil ku goynaya fogaan dhan 550 km.
Labadan dhalinyarada oo da’da 40 jirka jooga waxay qorsheynayaan inay si fudud hiigsigooda ku gaaraan kahor bisha Ramadaan. Hadafka iyo ujeedka ay ka leeyihiin socdaalkan ayay ku sheegeen inay rabaan yabooh inay ugu sameeyaan Muslimiinta Gaza ee xilligan la joogo wajahaya xaalado adag oo dhinaca bani-aadannimada ah.
Dagaalkii ay Yuhuuddu ku qaaday Gaza wuxuu naafeeyey nolosha Muslimiinta reer Falastiin, waxaana – ka sokow dhimashada iyo dhaawaca – uu carruurta iyo haweenka ku reebay xaalado nafsi ah, gaajo iyo hoy la’aan.
Bartilmaameedka ugu weyn ee Yabooha loo sameynayo, si kastaba, waxay ku sheegeen in xarun caafimaad oo ku kacaysa adduun dhan £220,000 loo qoondeeyo si looga faa’iideysto. Wejiga labaad iyo saddexaad, ayay ku sheegeen inuu noqon doono mid baritaara dib u dhiska guryaha iyo xarumaha ku burburay dagaalkii Yuhuuddu kusoo qaadday Gaza iyo in laga haqabtiro kaabayaasha nolosha sida helidda biyo nadiif ah oo ku filan baahida aas-aasiga.
In ka badan 26,400 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday dagaalka.
You must log in to post a comment.