crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 28

Dunida Muslimka

La kulan: Imaamka cunnooyin bisil u qeybiya Jaarka Masjidkiisa.

MUQDISHO (HN) — Imaamka Masjid ku yaalla Wycombe, Buckinghamshire, ayaa hoggaaminaya koox samafalayaal ah si ay deeq cunno ah ugu qeybiyaan jaarkooda madaama uu saameeyey xayiraadda adag ee lagula tacaalayo xanuunka Covid-19. Haseen Jahangir, oo ah imaamka Masjidka Wycombe ayaa baahinaya farriin togan xilli lagu jiro xayiraaddii labaad ee looga hortagayo xakameynta xanuunka Corona. “Waa lama huraan inaan ogaanno nolosha kuwa ...

Read More »

Zeena Ali – Muxajabaddii ugu horreysay Booliska New Zealand.

MUQDISHO (HN) — Guulaha haweenka Muslimiinta dunida oo dhan waa kuwo is dabayaal ah, kuwaas oo iyaga oo ilaashanaya qiyamkooda diiniga ah qeyb ka noqonaya howlaha guud iyo dabcan samafalka. Zeena Ali ayaa sameysay taariikh cusub kadib markii ay noqotay muxajabaddii ugu horreysay ee kamid noqota booliska New Zealand. Zeena ayaa diratay codsigeeda la xiriira kamid noqoshada booliska markii uu dhacay ...

Read More »

Detroit oo ugu dambeyntii aqoonsanaysa fasaxyada Ciidaha Muslimiinta.

MUQDISHO (HN) — Dagaal daba-dheeraaday kaddib, Muslimiinta Detroit ayaa ugu danbeyntii fasax u helaya maalmaha Ciidaha. Waxaana ay ka bilaabanaysaa sannad dugsiyeedka 2020-21-ka. “Waxay ahayd walaaca ardayda sababtii ugu horreysay ee arrinta miiska loo soo dhigay,” Nikolai Vitti, oo kamid ah Cass Technical High School ayaa u sheegay Detroit Chalkbeat. Ereyadiisu mugga doc walba laga eego waxay u muuqdeen lama huraan. ...

Read More »

Muslimiinta Kanada oo u haqabtiraya Waayeellada.

MUQDISHO (HN) — Ururka Muslimiinta Kanada ayaa si adag uga shaqeynaya hubsashada inaan waayeellada looga tagin gaajo iyo sidoo kale la dhimo cunnada la daadiyo. Si taas u hirgashana, gurmashada danyarta ku sugan Greater Toronto Area, xarunta Muslim Welfare Centre ayaa isku taagaysa in cunnooyin bisil ay guryahooda ugu geeyaan dadka da’da ah oo aan soo gaari karin xaruntooda. “Waa ...

Read More »

Masjidka Oxford ayaa deeq cunno ah siinaya ardayda xilliyada fasaxa.

MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla Oxford ayaa hubinaya waqtiyada adag ee lagu jiro siiba fasaxyada in qofna aanu ku seexan gaajo – iyada oo cunnooyin bisil lala gaarayo ardayda dhigata iskuullada, sida laga soo xigtay Oxford Mail. Masjidka Central Oxford ayaa bixin doonaa deeq cunno shan maalmood oo toddobaadkii ah inta lagu jiro fasaxyada iskuullada. “Masjidka wuxuu bixiyay dhammaaba ...

Read More »

Dugsiyada Spain oo hadda kadib lagu baran doono Diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Si loo xoojiyo is-dhexgalka iyo wada-noolaanshaha bulshada, gobalka Catalonia ee dalka Spain ayaa go’aansaday in dugsiga dadweynaha lagu bixiyo maaddo ku saabsan diinta Islaamka. Qorshahan oo soo jiitamayay muddo badan, wuxuu farayaa iskuullada dowladda in sannad-dugsiyeedka 2020-21 ardayda Muslimiinta ah iskuullada loogu dhigo barashada diinta Islaamka. Qorshahan wuxuu sidoo kale xoojin doonaa isdhexgalka iyo midnimada. Wuxuuna sidoo kale ...

Read More »

Jaamacadda Birmingham University oo bixinaysa Cilmiga Bangiyada iyo Dhaqaalaha Islaamiga.

LONDON (HN) — Dhaqaalaha iyo maaliyadda ku dhisan nidaamka Islaamiga ah, wuxuu qarnigan 21aad dunida ka noqonayaa doorashada iyo xulka koowaad. Waxaa bangiyada Islaamka ahi ku jiraan kuwo loogu doonis badan yahay adeegsigooda adduunka oo dhan. Maanta waxay bangiyada qaabka Islaamiga ah ku shaqeeya ay ku fadhiyaan adduun dhan $2 trillion waxaana la filayaa inay gaarto $3.8 trillion sannadka 2023-ka. Aqoonsashada ...

Read More »

Muslimiinta Maraykanka oo 100,000 oo gafuurxir ah u qeybinaya Darbi-jiifta.

MUQDISHO (HN) — Helidda agabyada caafimaad ee looga hortagayo xanuunka Corona wuxuu ku adag yahay in badan oo bulshada Maraykanka kamid ah. Darbi-jiifta ku nool magaalooyinka waaweyn ee USA waa kuwa ugu daran. Si kastaba, Muslimiinta Maraykanka ayaa isaga imaanaya inay gargaar isugu jira qeybinta gafuur-xirada kahor-tagga u ah faafidda xanuunka siiyaan darbi-jiifta iyo danyarta. Ku dhawaad 100,000 oo gafuurxir ...

Read More »

Sana Khan oo Ilaahay dartiis isaga joojisay jilidda aflaamta.

MUQDISHO (HN) — Sannadihii ina dhaafay, jilayaal caan ah ayaa kusoo biirayay Islaamka oo ah diinta maanta ugu badan caalamka iyo tan loogu doonis badan yahay kamid noqoshadeeda. Sana Khan oo ah jilaa aflaamta Hindiya sameysa ayaa ugu danbeyntii kamid noqotay qoyska Islaamka. Waxayna sheegtay inay iskaga baxday fanka filimada, waxayna tiri; “Waxaan isku taagay inaan u adeego insaaniyadda iyo inaan ...

Read More »

Adeegsiga Xijaabada fashionka oo adduun lacageed badan soo kordhinaya.

WASHINGTON (HN) — Tommy Hilfiger, oo ah mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee sameeya dharka xaragada, ayaa markii ugu horreysay soo saartay xijaabo fashion ah kuwaas oo hadda kaddib kamid noqon doona maryaha ay u sameeyaan macmiishooda. Marka loo eego Shirkadda, go’aanka soo saarista xijaabo lagu xaragoodo waxay diraysaa fariin loo dhan yahay iyo haqabtirka baahiyaha gabdhaha Muslimiinta. Waxay markii ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!