MUQDISHO (HN) — Sannadihii ina dhaafay, jilayaal caan ah ayaa kusoo biirayay Islaamka oo ah diinta maanta ugu badan caalamka iyo tan loogu doonis badan yahay kamid noqoshadeeda.
Sana Khan oo ah jilaa aflaamta Hindiya sameysa ayaa ugu danbeyntii kamid noqotay qoyska Islaamka. Waxayna sheegtay inay iskaga baxday fanka filimada, waxayna tiri; “Waxaan isku taagay inaan u adeego insaaniyadda iyo inaan Ilaahay u jeesto.”
Waxay kasoo muuqatay aflaamta Bigg Boss 6 iyo Jai Ho oo ay la sameysay Salman Khan.
Marka loo eego Sana, go’aankeedu wuxuu daba socdaa muddo badan oo ay gaarkeeda uga fikiraysay sida ugu dhow oo ay Ilaahay ugu soo laaban lahayd.
Kadib ku dhawaaqista inay isaga fariisatay aflaamta, daaciga Maulana Taqi Usmani ayaa ku tilmaamay tallaab geesinimo leh.
Dhowr jilayaal oo Bollywoodka kamid ah sida Zaira Wasim ayaa isaga haray jilitaanka iyaga oo Ilaahay uga towbad keenaya.
Sidoo kale, Dipika Kakar ayaa qaatay Islaamka kadib markii ay guursatay Shuceyb Ibraahim.
You must log in to post a comment.