HomeDunida MuslimkaMuslimiinta Maraykanka oo 100,000 oo gafuurxir ah u qeybinaya Darbi-jiifta.

Muslimiinta Maraykanka oo 100,000 oo gafuurxir ah u qeybinaya Darbi-jiifta.

MUQDISHO (HN) — Helidda agabyada caafimaad ee looga hortagayo xanuunka Corona wuxuu ku adag yahay in badan oo bulshada Maraykanka kamid ah.

Darbi-jiifta ku nool magaalooyinka waaweyn ee USA waa kuwa ugu daran.

Si kastaba, Muslimiinta Maraykanka ayaa isaga imaanaya inay gargaar isugu jira qeybinta gafuur-xirada kahor-tagga u ah faafidda xanuunka siiyaan darbi-jiifta iyo danyarta.

Ku dhawaad 100,000 oo gafuurxir ah ayay u qeybiyeen darbi-jiif ku nool  San Diego, Los Angeles, iyo San Francisco.

“Bedqabsanaantu waa xaalad qofka uu xaq u leeyahay una qalmo inuu ku sugnaado, waana inaynu hubsanaa badbaadada nolosha darbi-jiifta,” ayuu yiri Omar Qudrat oo ah xeer-ilaaliyaha guud ee San Diego.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments