crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Maraykanka oo 100,000 oo gafuurxir ah u qeybinaya Darbi-jiifta. | HimiloNetwork

Muslimiinta Maraykanka oo 100,000 oo gafuurxir ah u qeybinaya Darbi-jiifta.

MUQDISHO (HN) — Helidda agabyada caafimaad ee looga hortagayo xanuunka Corona wuxuu ku adag yahay in badan oo bulshada Maraykanka kamid ah.

Darbi-jiifta ku nool magaalooyinka waaweyn ee USA waa kuwa ugu daran.

Si kastaba, Muslimiinta Maraykanka ayaa isaga imaanaya inay gargaar isugu jira qeybinta gafuur-xirada kahor-tagga u ah faafidda xanuunka siiyaan darbi-jiifta iyo danyarta.

Ku dhawaad 100,000 oo gafuurxir ah ayay u qeybiyeen darbi-jiif ku nool  San Diego, Los Angeles, iyo San Francisco.

“Bedqabsanaantu waa xaalad qofka uu xaq u leeyahay una qalmo inuu ku sugnaado, waana inaynu hubsanaa badbaadada nolosha darbi-jiifta,” ayuu yiri Omar Qudrat oo ah xeer-ilaaliyaha guud ee San Diego.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!