crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jaamacadda Birmingham University oo bixinaysa Cilmiga Bangiyada iyo Dhaqaalaha Islaamiga. | HimiloNetwork

Jaamacadda Birmingham University oo bixinaysa Cilmiga Bangiyada iyo Dhaqaalaha Islaamiga.

LONDON (HN) — Dhaqaalaha iyo maaliyadda ku dhisan nidaamka Islaamiga ah, wuxuu qarnigan 21aad dunida ka noqonayaa doorashada iyo xulka koowaad. Waxaa bangiyada Islaamka ahi ku jiraan kuwo loogu doonis badan yahay adeegsigooda adduunka oo dhan.

Maanta waxay bangiyada qaabka Islaamiga ah ku shaqeeya ay ku fadhiyaan adduun dhan $2 trillion waxaana la filayaa inay gaarto $3.8 trillion sannadka 2023-ka.

Aqoonsashada baahida baaxadda leh ee loo qabo adeegsiga iyo barashada culuumta la xiriira maalgeshiga iyo bangiyada Islaamiga ah, mid kamid ah jaamacadaha UK ugu horreeya ayaa soo kordhinaysa laanta bangiyada Islaamka iyo maal-geshiga la xiriirta oo laga baran doono jaamacadda.

Ardayda  Birmingham City University ayaa hadda kadib xaadiri kara fasallada lagu bixinayo cilmiga shareecada ee la xiriira bangiyada iyo maal-geshiga. Waxaa qorshuhu yahay in fursadaha ku jira cilmiga ku saabsan dhaqaalaha Islaamiga looga faa’iideyn doono bulshada UK.

Shaista Mukadam oo horfiiq ka ah kulliyaddan ayaa  The Business Desk u sheegay in soo biirinta waaxdan dhaqaalaha Islaamiga ku saabsan ay kusoo beegmayso waqti aad loogu baahi badan yahay.

Shareecada Islaamka ayaan ogoleyn ribada iyo dulsaarka. Waxaana ay diidaysaa ka ganacsiga waxyaalaha dhibaya dadka iyo degaanka sida qamriga, hubka, qamaarka, tubaakada, hilibka doofaarka iyo aflaamta jinsiga la xiriira.

In ka badan 20 bangi oo UK ku yaal ayaa bixiya adeegyo bangi oo Islaami ah. Waxaana la rumeysan yahay in 80% dadka macmiilka u ah bangiyadaas aanay ahayn Muslimiin.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!