“Howshiisu waxay soo socotay taniyo sannadkii hore, waxaana ku baxay adduun dhan $16 billion,” ayuu yiri.
Mashruucani waa qeyb kamid ah hadafka uu Sucuudigu ku doonayo inuu ku horumariyo howlaha cibaadeed ee labada Magaalo – Makka iyo Madiina – si xujeyda loogu fududeeyo gudashada acmaasha Xajka iyo fadaa’isha kale.
Tareenka waxaa ku socdaali doona dad lagu qiyaasay 60 milyan sannad walba. Waxaana ay gaarayaan 35 tareen oo midkiiba uu qaadi karo 417 rakaab. Wuxuuna socon karaa xawaare dhan  300 km saacaddiiba.