MUQDISHO (HN) — Guulaha haweenka Muslimiinta dunida oo dhan waa kuwo is dabayaal ah, kuwaas oo iyaga oo ilaashanaya qiyamkooda diiniga ah qeyb ka noqonaya howlaha guud iyo dabcan samafalka.
Zeena Ali ayaa sameysay taariikh cusub kadib markii ay noqotay muxajabaddii ugu horreysay ee kamid noqota booliska New Zealand.
Zeena ayaa diratay codsigeeda la xiriira kamid noqoshada booliska markii uu dhacay falkii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay Masjidka Christchurch halkaas oo lagu xasuuqay ku dhawaad 50 qof oo Muslimiin ah.
Qalinjebinteeda kadib, hadda waxay noqotay gabadhii ugu horreysay oo taariikhda ku gasha boolis muxajabad ah tan iyo markii New Zealand ay xijaabka kamid dhigtay huga ‘uniform-ka’ ciidanka.
Waxay ku dhalatay Jaziiradda Fiji waxayna iyada oo yar usoo guureen NZ.
You must log in to post a comment.