MUQDISHO (HN) — Dagaal daba-dheeraaday kaddib, Muslimiinta Detroit ayaa ugu danbeyntii fasax u helaya maalmaha Ciidaha. Waxaana ay ka bilaabanaysaa sannad dugsiyeedka 2020-21-ka.
“Waxay ahayd walaaca ardayda sababtii ugu horreysay ee arrinta miiska loo soo dhigay,” Nikolai Vitti, oo kamid ah Cass Technical High School ayaa u sheegay Detroit Chalkbeat.
Ereyadiisu mugga doc walba laga eego waxay u muuqdeen lama huraan.
Dagaalka loogu jiro sida Muslimiinta loogu heli lahaa fasaxyada ciidahooda inay ku raaxeystaan waxay soo if baxday sannadkii 2018-ka markii Mohammad Muntakim uu hoggaamiyay ol’ole heer dugsiyeed ku siman oo ay ku muujiyeen tabashadooda.
Waxaaana farriintoodu ay gaartay ilaa heer lagu baraarugo.
Hadda waxay ugu danbeyntii ku raaxaysan doonaan sida ardayda kale inay helaan fasax maalmaha ay ciidayaan.
Detroit waa magaalada ugu weyn gobalka Michigan. Waana magaalada 23aad oo ugu dadka badan Maraykanka. Waxaana tira-koobkii la sameeyey sannadkii 2017-ka lagu sheegay dadka ku nool 673,104.
Muslimiinta Detroit ayaa lagu qiyaasaa inay 1% ka yihiin tirada dadkeeda.
You must log in to post a comment.