crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Kanada oo u haqabtiraya Waayeellada. | HimiloNetwork

Muslimiinta Kanada oo u haqabtiraya Waayeellada.

MUQDISHO (HN) — Ururka Muslimiinta Kanada ayaa si adag uga shaqeynaya hubsashada inaan waayeellada looga tagin gaajo iyo sidoo kale la dhimo cunnada la daadiyo.

Si taas u hirgashana, gurmashada danyarta ku sugan Greater Toronto Area, xarunta Muslim Welfare Centre ayaa isku taagaysa in cunnooyin bisil ay guryahooda ugu geeyaan dadka da’da ah oo aan soo gaari karin xaruntooda.

“Waa mahad naq ficil ah inaan isku taagno quudinta iyo u gargaarista kuweenna danyarta ah,” ayuu yiri Muhammad Iqbal Ali, oo ah ku-xigeenka ururka.

“Waqtiga adag ee lagu jiro kaliya uma aynan furin albaabada kuweenna baahan, waxaan sidoo kale sii laba jibbaarnay dadaalkeenna ku aadan haqabtirkooda,” ayuu sii raaciyay Shahid A. Khan, oo ah agaasimaha xarunta.

Muslimiintu waxay kamid yihiin bulshooyinka ugu faafista badan gudaha Kanada, waxaana ay 10-kii sanno ee lasoo dhaafay sameeyeen koror lagu qiyaasay 82%. Waxaana ay tirada guud ee waddanka ay ka yihiin ku dhawaad 4%.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!