crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Oxford ayaa deeq cunno ah siinaya ardayda xilliyada fasaxa. | HimiloNetwork

Masjidka Oxford ayaa deeq cunno ah siinaya ardayda xilliyada fasaxa.

MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla Oxford ayaa hubinaya waqtiyada adag ee lagu jiro siiba fasaxyada in qofna aanu ku seexan gaajo – iyada oo cunnooyin bisil lala gaarayo ardayda dhigata iskuullada, sida laga soo xigtay Oxford Mail.

Masjidka Central Oxford ayaa bixin doonaa deeq cunno shan maalmood oo toddobaadkii ah inta lagu jiro fasaxyada iskuullada.

“Masjidka wuxuu bixiyay dhammaaba lacagta ku baxaysa ol’olahan,” ayuu yiri Faisal Aziz, oo guddiga Masjidka kamid ah.

Tallaabadan ayaa lagu yiri; “waxaynu kaga dayanaynaa tubtii Suubanaha NNKH uu kula dhaqmi jiray kuwa baahan iyo danyarta.”

Sidaas darteed, qof kasta oo baahan ayaa awoodi doonaa inuu helo cunno bisil – iyada oo aan la eegeyn diintiisa iyo dabcan midabkiisa.

Islaamka ayaa siiya qiimo weyn gargaarka iyo u gurmashada kuwa ayaanka liita ee la halgamaya dhuuniga maalinlaha.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!