HomeDunida MuslimkaLa kulan: Imaamka cunnooyin bisil u qeybiya Jaarka Masjidkiisa.

La kulan: Imaamka cunnooyin bisil u qeybiya Jaarka Masjidkiisa.

MUQDISHO (HN) — Imaamka Masjid ku yaalla Wycombe, Buckinghamshire, ayaa hoggaaminaya koox samafalayaal ah si ay deeq cunno ah ugu qeybiyaan jaarkooda madaama uu saameeyey xayiraadda adag ee lagula tacaalayo xanuunka Covid-19.

Haseen Jahangir, oo ah imaamka Masjidka Wycombe ayaa baahinaya farriin togan xilli lagu jiro xayiraaddii labaad ee looga hortagayo xakameynta xanuunka Corona.

“Waa lama huraan inaan ogaanno nolosha kuwa jaarka nala ah si aysan ugu gaajoon agteenna,” ayuu yiri Haseen.

Tallaabadiisa waxaa u riyaaqay aadna ugu farxay deriskiisa oo ka mahad-naqay cunnada loogu keenay albaabada aqalladooda.

“Maanta in badan ayaan u heyn sababta dhoolla-caddeyntooda,” ayuu yiri

Muslimiinta UK ayaa xilliga adag ee lagu jiro si weyn isugu taagay ka qeyb noqoshada gargaarka iyo gurmad u fidinta kuwa ayaanka liita iyo danyarta.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments