crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 18

Dunida Muslimka

Masjid horboodaya Ol’olaha 1000 geed beer oo qeyb ka ah Mashruuca Dhirbeerista Dunida Muslimka + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Si loo dhowro deegaanka ayaa xubno katirsan Xarunta Islaamiga ah ee Fort McMurray ee Alberta waxay Axaddii ina dhaaftay u beereen 100 geed oo ah wejigii koowaad ee qorshaha 1000-ka geed loogu tallaalayo afaafka Masjidka “Baaqii Suubanaha ayaa ahaa: haddii Qiyaamuhu dhacayo oo midkiin gacantiisa ay ku jirto laan geed oo uu tallaali karo – ha tallaalo ...

Read More »

Xildhibaan Muslimad ah oo ‘farriin awood badan’ usoo dirtay Gabdhaha Muslimiinta Australia.

MUQDISHO (HN) — Muuqaal u muuqday garab istaag iyo dhiirri-gelin ayaa ka yimid Fatima Payman oo ah muxajabadii ugu horreysay dalka Australia oo kamid noqota golaha barlamaanka dalkaas kaas oo ay ugu yeerayso haweenka Muslimiinta inay si kalsooni iyo qab leh ugu xaragoodana xirashada xijaabka. Iyada oo kahor hadlaysay golaha, Fatima waxay sheegtay in barlamaanka dalkeedu uu maantada la joogo ...

Read More »

Arday ku hor tukaday bannaanka Jaamacadda si ay u muujiyaan baahi jirta oo aan laga jawaabin!

MUQDISHO (HN) — Muddo badan oo baaqooda lagu gacanseyray kaddib, ardayda Muslimiinta ah ee dhigta Jaamacadda Melbourne’s Monash ayaa hab banaanbax ah ugu tukaday bannaanka hore ee ardaaga kasmada Claynton. Baaxadda yar oo ay ku tukadaan waxaa kaliya uu qaadi karaa 8 dumar ah iyo 8 rag ah tiiyoo jaamacadda ay toddobaad walba soo gaarayaan codsiyo uga imaanaya arday gaaraysa ...

Read More »

Sana Khan oo sheegtay sababtii ay Xijaabka u xiratay – aflaamtana isaga hartay.

MUQDISHO (HN) — Kasoo laabashada gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada, Xidigtii Bollywood-ka, Sana Khan ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ka haritaankeedii aflaamta iyo waxa ugu wacan oo ay xijaabka inay xirato ay ku bilowday. Filimo aad uga gadmay tiyaatarrada Hindiya oo ay la jishay jilayaal caan ah sida Salman Khan ayay kamid ahayd. Laakiin sidaas oo ay tahay, kama ...

Read More »

Bangi Cunto oo Muslimiinta ku bogaadiyay Deeqsiinta Cunnooyinka Xalaasha ah.

MUQDISHO (HN) — Bangi cunto oo ku yaalla magaalada Manchester ayaa ku amaanay bulshada Muslimiinta ah kaalintooda la xiriirta soo kordhinta xeerada cunnooyinka xalaasha ah oo baahi weyn loo qabay. Perry’s Pantry, oo ah goob dadka dhacsiga dhuuniga maalinle ula halgama ee ku nool koofurta Manchester ayaa ugu yeeray dadyowga Muslimiinta inay laba-laabaan doorkooda deeqbixinta cunnooyinka kaddib markii tiro bulshada Muslimka ...

Read More »

La kulan – Muslimka Bilicda iyo Nadaafada Xaafaddiisa ka shaqeeya.

MUQDISHO (HN) — Deegaan-quruxsanaanta wuxuu Islaamku siiyay mudnaan sarreysa. Ilaalinta deegaankuna waxay laf-dhabar iyo sees u tahay jiritaanka aadanaha iyo xiriirka kala dhaxeeya Allihii ku abuuray arlada dusheeda. Aqoonsashada kaalinta qofka Muslimka ahi ku leeyahay badbaadinta iyo camiridda dhulka, walaal Muslim ah oo ku nool Oldham wuxuu shantii sannadood ee lasoo dhaafay ku jiray howlgal uu bilicda iyo nadaafadda xaafaddiisa ku ...

Read More »

Maqaayad – Maalmihii Ciidda – Cunnooyin bisil u qeybisay Darbi-jiifta iyo Danyarta baahan.

MUQDISHO (HN) — Ciidul-Adxa sideedaba, si lamid ah Ciidda kale ee Fitriga, waa maalmo farxad, damaashaad, deeqbixin, booqasho iyo isu-bixid ah. Qof kasta oo Muslim ahna laga rabo inuu weji furan ku qaabilo ugu yaraan walaalkiisa Muslimka ah oo hadyadaha iyo siinta la iskugu deeqo si isjaceylku u biiro. Laakiin, geesta kale, waa maalin ay mudan tahay in kuweenna baahan ...

Read More »

Xujeyda oo saaran Buurta Carafo.

MUQDISHO (HN) — Raadinta cafiska iyo raali ahaanshiyaha Eebbe, ku dhawaad hal milyan oo Muslimiin ah ayaa dul tuban buurta Carafo oo dhacda bariga magaalada Barakaysan ee Makka maanta oo Jimco ah kaddib xayiraaddii Covid-19 oo suuragalin waayay in xujeydu soo gutaan xajka iskaba daa inay ku kulmaan buurta dusheeda. Xalay ayay habeenno cibaado iyo alla-bari ku qaateen xerooyinka Mina ...

Read More »

Tarjumadii ugu horreysay Qur’anka ee Afka Igbo oo lagu daabacay Nigeria.

MUQDISHO (HN) — Tafsiirkii ama tarjumadii ugu horreysay Qur’anka oo lagu qoro afka Igbo ayaa lagu daabacay gudaha dalka Nigeria. Muhammad Murtala Chukwuemeka, oo ah tarjumaha kitaabka ayaa sheegay inay ku qaadatay shan sannadood inuu ku qoro tafsiirka Qur’anka ee afka Igbo ku dhigan. Chukwuemeka, oo diinta Islaamka qaatay sannadkii 1989-kii ayaa sheegay inuu daabacay boqollaal nuqul oo kitaabka Qur’anka ...

Read More »

Atariisho hore oo Bollywood-ka ah oo sannadkan Xajka joogta.

MUQDISHO (HN) — Laba sannadood kaddib markii ay isaga hartay jilidda aflaamta, Sana Khan ayaa u banbaxday Sucuudiga si ay usoo gudato acmaasha Xajka iyo Cumrada markeedii ugu horreysay. Waxaa safarka ku wehliya seygeeda, Mufti Anas Saiyad kuwaas oo muuqaalka imaanshiyahooda gegida duyuuradaha Madina soo dhigay barta Instagram-ka. “Allaa ku mahadsan,” ayay tiri. “Ma qiyaasi karo dareenkayga inta uu la’eg ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!