HomeDunida MuslimkaBangi Cunto oo Muslimiinta ku bogaadiyay Deeqsiinta Cunnooyinka Xalaasha ah.

Bangi Cunto oo Muslimiinta ku bogaadiyay Deeqsiinta Cunnooyinka Xalaasha ah.

MUQDISHO (HN) — Bangi cunto oo ku yaalla magaalada Manchester ayaa ku amaanay bulshada Muslimiinta ah kaalintooda la xiriirta soo kordhinta xeerada cunnooyinka xalaasha ah oo baahi weyn loo qabay.

Perry’s Pantry, oo ah goob dadka dhacsiga dhuuniga maalinle ula halgama ee ku nool koofurta Manchester ayaa ugu yeeray dadyowga Muslimiinta inay laba-laabaan doorkooda deeqbixinta cunnooyinka kaddib markii tiro bulshada Muslimka kamid ah ay hoos yimaadeen mashruucooda.

“Ma hubo sida iyo sababta laakiin waxaan caddaynayaa in dadyowga Muslimiinta ah ay door libaax leh ka qaateen baaqeenna,” ayuu yiri Jen Savaris, oo ah agaasime.

“Taniyo markii baaqeennu ku dhacay dhegahooda waxay si halhaleel ah uga falceliyeen si ka badan filashadeenna,” ayuu sii raaciyay.

Perry’s Pantry waxaa la furay sannadkii 2020 markii xanuunka Covid-19 uu dunida ka dilaacay. Halgankooduna wuxuu ahaa joogto taniyo kolkaas. Laakiin toddobaadkii tagay waxay kusoo dhaceen fara-marmaan. Waxayna codsi ballaaran u direen bulshooyinka magaalada wada degan.

Muslimiinta ayaa si kastaba ku falceliyay si ka deeqsimo iyo wax bixin badan bulshooyinka kale.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments