Quruxda; Midabyaleey!!

Qeybtii saddexaad;
Xiriirka ka dhaxeeya Quruxda iyo Jaceylka;
Waxaase timid in hadana wax la iska weydiiyo kolka quruxda lagu laro arrin kale oo xasaasi ah, sida jaceylka, mudnaan sidee ah ayay qofka wax jeceli quruxda uga dhigan tahay? Xiriir ceynkee ah ayaana ka dhaxeyn kara jaceylka iyo quruxda?!
Weydiimahan waxaan si cilmiyeysan uga bogan doonnaa kolkaan buugga gudaha usii galno; annaga oo ogaan doonna isha ugu weyn ee jaceylku kasoo maaxdo inay Quruxda tahay. Hayeeshe, sidee jaceylku uga dhex-dhashaa quruxda?!
Hadaba, quruxda oo si kastaba dooda badan ka dhalisay dunida ayaa hadana la isku raacay inay leedahay hadimmo. Dhibaatada quruxda waa iyada oo ku dhalanaysa si hodantinimo ah kuna dhimanaysa si saboolnimo ah. 
Waxaa qoray Zakariya Hassan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!