crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Erey-bixinta DUUR-JOOGTA iyo Soomaalida! | HimiloNetwork

Erey-bixinta DUUR-JOOGTA iyo Soomaalida!

Muqdisho (Himilonews) – Duur-Joogta dhaqan ahaan waxaa loo dhiraandhiriyaa noole siiba sanku-neefle aan la dhaqan gelin. Hayeeshe, waxaa timid in lagu daro dhamaan dhirta, noolaha yaryar iyo ilma-aragtida ku nool duur—goob aanay dadku ku lahayn raad saameyn leh.
Gaasa-baxsiga daaqa iyo duunyada ku nool duurka xilliyo badan ayay ifka ka dhacday—taas oo Deegaanka kaga tagtay saameyn mug leh; togan iyo taban labadaba.
Duur-Joogta waxaa laga heli karaa hab-nololeedka deegaan “eco-system”; Lama-degaanka, keymaha, keymo-roobaadyada, dhul-cagaarka iyo banaannada ayaa sameyn kara hab-nololeedka Duur-Joogta.
Halka ereyga “Duur-Joog” bulshada uga dhigan yahay noolayaal aanay dadku la fal-galin, hadana badi Seynis-yahannadu waxay isku raaceen in Duur-Joogta innagu hareeran ay saameyn kala kulmaan falalka kala duwan ee Bani’aadanka.
Marka aynu dib ugu soo laabano Dhulkeenna Soomaaliyeed, duur-joogtu wax milgo-nololeed ah bulshada uguma fadhido. Dal dadkiisii qax, qabri iyo qalalaalaso u dhaxeeyo, qadarinta Duur-joogtu nuxur buuran uma lahan; iyada oo ay marag-madoonto tahay in dalkeennu beri hodon ku ahaan jiray Duur-joogta.
Lasoco qeybta labaad
Xigasho Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!