Baydhabo mise Barisamo!!

Qeybtii afaraad;

Gu’yaal badan kahor, Baydhabo uma waynayn sida maanta ay tahay, umana dad badnayn. Balse waligeed waxay lahayd milgadeeda gaarka ah. Kadib dowladii TFG-da ee lagu dhisay Nairobi iyo saldhigashadeedii Baydhabo ayaa ah horu-kicintii magaalada iyo kobicii ay laba-lixaadsatay. Hoteelo cusub, baabuur cusub, dhismayaal cusub, dad dool iyo deegaanba isugu jira oo magaalada kusoo kordhay iyo gacanacsi faalalay ilaa xad ayay Baydhabo ku karaar dhaaftay magaalooyinka kale asaageed ah ee kula yaala Koofurta Dalka. Ilaa iminkana, Baydhabo waxay haysaa dhabihii horumarka.

Inkasta oon ahay galti magaalada ku cusub misana socoto ah, hadana sida ay iila waynayd Baydhabo ayay u howl-badnayd. walow socodkayguna uu yahay jeedaalin, qooraansad iyo dhugasho yar oo aan heli karin fursado aan ugu kuur-galo si qoto dheer saha ay sugan tahay, hadana wax waliba waa ay iska cad yihiin halkan. Dad howshoon, duunyo raamsanaysa, dalagyo hadba dhinac dabayshu u liicinayso iyo dhismayaal iskugu jira duug iyo danbeed oo kugu nabdaadinaya fiiro gacaltooyo.

Aduun, mar waa Aaran, kolna Abaar. Baydhabo waxay kale oo kasoo kabsatay sanado abaar iyo colaad ah. Abaartii Daba-dheer ee ka dhacday koofurta Dalka, Baydhabo waxaa kasoo gaaray hadimo naf iyo naafo leh. Waa meelihii ay sida xun abaartu u aafaysay. Dagaalkii sokeeye ee Dalka ka dhacayna, Baydhaba si ba’an ayaa laysugu laayay. Dad iyo duunyana waa ku ba’een. Sanado abaar iyo aanooyin qabiil ah ayay soo foolatay. Gacaltooyadiina waxaa lagu badalay godobtooyo. Ugu danbaynse, waxay qeyla-dhaansatay Soomaali oo dhan. Maanta, kadib 19 sano oo ahayd markii abaartii iyo aafadii qabiilku ay hantaaqiyeen Baydhabo, waxay ku sugan tahay gurisamo, wada-noolaansho iyo is-gaclood. 

waxaa qoray Ceyduruus Maxamuud Iimaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!