crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Abuurka iyo baxaalliga Libaaxa! | HimiloNetwork

Abuurka iyo baxaalliga Libaaxa!

qeybtii labaad;

Libaaxu waa mid kamida shanta bah Dinnad ugu waaweyn. Waana xubin kamida qoyska Felidae. Halka aarar kamida libaaxa ay kasii culus yihiin 250 kilogram, waa midka labaad ee ugu weyn bah Dinnada nool, Shabeelka kadib.

Libaaxu wuxuu keynta ku dhex noolaan karaa (10—14) sanadood. Halka rugaha lagu karantiilana uu ku dhex-cimrin karo wax ka badan 20 sano. Libaaxa ku nool geeska Africa, culeyskiisu wuxuu ku fadhiyaa 174.9 kg oo Aarka ah iyo 119.5 kg oo Goosha ah. Fadhi kaliya ayuu ku cuni karaa 30 kg oo cunno ah. Celcelis ahaan Gooshu waxay cuni kartaa 5 kg oo cunno ah maalinti. Halka Aarkuna cuni karo 7 kg maalinti.

Libaaxu wuxuu wax-dhal ku noqdaa afar gu’. Sidka libaaxa waxaa loo shintiriyaa ku dhawaad 110 maalmood taas oo lix jeer kayar sidka Maroodiga. Way mataaneysaa ; ama afaroodisaa. Caga-baruurtana waxaa lagu dhalaa indha la’aan. Aragti fiican kuma hilaabtaan jeer todobaad lagaaro.

Xigasho buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!