crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Markay xoolahaba kuu tiiraanyoodaan! | HimiloNetwork

Markay xoolahaba kuu tiiraanyoodaan!

Muqdisho (Himilonews) – Gamaan faras ayaa dad ku sugnaa goob baroor-diiq loogu sameynayay ninkii lahaa ka oohiyay kadib markii laga dareemay siduu uga naxay geeridiisa saaxiibkiis.
Wagner de Lima Figueiredo, oo 35-jir ahaa ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay magaalada Brazil ee isla dalka Brazil.
Xigtada iyo saaxiibada meydka ayaa isugu soo baxay si ay ugu baroordiiqaan. Walaalkiis, Wando Lima, ayaa sheegay in faraskani uu aad u jeclaa ninka dhintay. “Waxaan marka dareemay inay habboon tahay inaan goobta ay ka dhacayso baroor-diiqda aan keeno,” ayuu yiri Wando Lima.
Balse layaabka qofka kasta uu sunniyaha la taagay waxay ahayd markii ay arkeen faraskan oo lagu magacaabo Sereno isaga oo ku dananaya cod qiireysan.
Markii loo joojiyay gaarigii siday naxashka, faraska ayaa soo tiigsaday isaga oo carafsanaya. Goob-joogayaasha ayaa sheegay inay dareemeen in farasku ogaaday in qofka ku jira naxashka uu yahay saaxiibkiisii rumaad.
Mar labaad ayay dadku amakaageen markii ay arkeen faraska oo madaxiisa u raariciyay naxashka si uu u sagootiyo saaxiibkiisa ifka ka dhamaaday.
Wando Lima iyo qoysiiska hadda waxaa saaran inay daryeelaan Sereno oo si lamid ah iyaga aad uga tiiraanyooday dhimashada saaxiibkiis.
Isha: Radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan ‘Hiraal’
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!