crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjid horboodaya Ol’olaha 1000 geed beer oo qeyb ka ah Mashruuca Dhirbeerista Dunida Muslimka + Sawirro. | HimiloNetwork

Masjid horboodaya Ol’olaha 1000 geed beer oo qeyb ka ah Mashruuca Dhirbeerista Dunida Muslimka + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Si loo dhowro deegaanka ayaa xubno katirsan Xarunta Islaamiga ah ee Fort McMurray ee Alberta waxay Axaddii ina dhaaftay u beereen 100 geed oo ah wejigii koowaad ee qorshaha 1000-ka geed loogu tallaalayo afaafka Masjidka

“Baaqii Suubanaha ayaa ahaa: haddii Qiyaamuhu dhacayo oo midkiin gacantiisa ay ku jirto laan geed oo uu tallaali karo – ha tallaalo intaanu dhiman’ ayaan ku joognaa,” ayuu yiri Mohammed Al-Zabidi, oo madax ka ah Markaz-Ul-Islam.

“Xadiiskani wuxu runtii ina dhadhansiinayaa micnaha xeesha dheer ee ku jira in deegaanka la dhowro lana joogteeyo dhirbeerista,” ayuu sii raaciyay.

Ol’olaha oo ay maalgeliyeen xubnaha bulshada Muslimiinta ah, wuxuu  Al-Zabidi ku tilmaamay tallaab wax-ku-ool ah oo horay loogu qaaday ilaalinta iyo bilicda deegaanka iyo tusaale habboon oo Muslimiintu ay hormuud usoo ahaayeen weligood oo dib loogu noqday.

Masjidka waxaa soo xaadira 2,000 oo Muslimiin ah toddobaad kasta waxaana loo dhammeystirayaa dhammaanba adeegyada looga baahan yahay.

“Marka waa inaan maskaxda ku heynaa in waxa ka jira gudaha Masjidka ay macno badan sameynayaan marka aan qurxinno afaafkiisa oo aan ka yeelo mid deegaan-la-jaal ah.”

Diinteenna Islaamku waxay ahmiyad iyo mudnaan sarreysa siisay ilaalinta iyo qurxinta dhulweynaha Eebe iyo noolaha ku sugan oo la xaqdhowro.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!