crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaayad – Maalmihii Ciidda – Cunnooyin bisil u qeybisay Darbi-jiifta iyo Danyarta baahan. | HimiloNetwork

Maqaayad – Maalmihii Ciidda – Cunnooyin bisil u qeybisay Darbi-jiifta iyo Danyarta baahan.

MUQDISHO (HN) — Ciidul-Adxa sideedaba, si lamid ah Ciidda kale ee Fitriga, waa maalmo farxad, damaashaad, deeqbixin, booqasho iyo isu-bixid ah. Qof kasta oo Muslim ahna laga rabo inuu weji furan ku qaabilo ugu yaraan walaalkiisa Muslimka ah oo hadyadaha iyo siinta la iskugu deeqo si isjaceylku u biiro.

Laakiin, geesta kale, waa maalin ay mudan tahay in kuweenna baahan aan loo daymo la’aan. Waana waxa ay sameysay maqaayad ku taalla Ottawa taas oo cunnooyin bisil u qeybisay dadka darbi-jiifta ah iyo kuwa baahan maalmihii Ciidda ee ina dhaafay.

Maalintii Axadda ayay maqaayadda Phynicia ay bilowday siinta iyo gaarsiinta cunnooyinka bisil kuwa baahan ee ku dibjira jidadka iyo waddooyinka.

“Ciid walba sidaan ayaan u sameynayaa kuweenna ayaanka liita,” ayuu u sheegay Amal Al Bardan CTV News. “Ciiddanina waxaan go’aansannay inaan halkeedii kasii miisno.”

“Waa maalmo farxad ah Ciiduhu — oo ka daba yimaada laba dhacdooyin oo aas-aas u ah diinteenna,” ayuu yiri Ajmad Elsakka oo kamid howlwadeennada maqaayadda.

“Marka waa inaan weynidooda ku muujinaa wax bixin iyo damaashaad.”

Firas Al Bardan, oo ah lihilaha maqaayadda ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay inay gargaar la gaaraan kuwa baahan marwalba siiba maalmaha aynu farxadda iyo damaashaadka Ciidaha aan ku jirno.

“Yoolkeennuna waa ku dhiirrigelinta walaalaha kale inay danyarta wax siiyaan.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!