Mexico – Muslimiinta ku nool bartamaha bulshada Maya

Mexico (Himilonetwork) – Bulsho tira-yar oo Muslimiinta ayaa ku koraya bulshada Maya ee Mexico halkaas oo ragu ay xiranayaan koofiyado: dumarkuna xijaab taas oo ku dhex milan dhaqanka bulshada Maya.
“Dadku waxay nagu eegi jireen fiiro gurracan markii aan islaamnay, waxay moodayeen inaan argagaxiso nahay ama aan halis ku nahay iyaga,” Mustafa ayaa u sheegay Reuters.
“Hayeeshe muddo kadib aragtidaas ugu danbeyn way is bedeshay,” ayuu sii raaciyay.
Marka loo eego tirakoobkii ugu danbeeyey, 83% dadka Mexico waa Kiristaan heysta Katooliga.
Muslimiintu waxay 1% ka yihiin tirada dadka ku dhow 120-ka milyan ee Mexico.
Umar, oo ah Kiristan hore oo Muslimay 90-meeyadii, wuxuu hadda buundo isku xirta Muslimiinta iyo Masiixiyiinta u yahay bulshadiisa.
“Diinteennu waxy noogu yeereysaa kalinimada Eebe,” ayuu yiri. “Mana caabudno qeyrkiisa kasoo hara.”
Qaar dadka Mayan kamid ah, sida 55-jirka la yiraahdo Mohamed Amin, go’aankoodu ay ku qaateen Islaamku wuxuu ku qotomaa sida diinteennu hadiyo jeer u bogaadiso nadaafadda iyo hufnaanta.
“Waxaan jeclahay inaan nadiif ahay mar kasta,” ayuu yiri. “Tanina waa diinta hufan. Waana midda igu soo qaaday xaggeeda inaan usoo dhamaado.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!