crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin Saddex sano geed ku dul noolaa oo Dhulka ugu danbeyn lasoo dhigay! | HimiloNetwork

Nin Saddex sano geed ku dul noolaa oo Dhulka ugu danbeyn lasoo dhigay!

Muqdisho (Himilonetwork) – 47-jir ku nool degmada La Paz ee gobalka Agusan del Sur, dalka Filibiin waxaa dhulka uu cagaha soo dhigo ugu danbeysay sanadkii 2014-ka kahor inta uusan ku korin geed dheer oo gurigiisa ku agyaal.
Taniyo markaas dhulka sooma booqan, wuxuu maalintii oo dhan saarnaan jiray geedka dushiisa jeer dhawaantan ay waaxda dowladda hoose xoog kaga soo dejisay geedka.
Ninkan oo lagu magacaabo Gilbert Sanchez,  wuxuu isaga tagay gurigiisa si uu ugu qunbe gurigiisa ka agdhow kadib markii dhaawac madaxa uu kasoo gaaray. Hooyadiis waxay xusuusan tahay in wiilkeedu aad uga cabsi qabay in qof u imaan rabo si uu u dilo. Waddada kaliya oo uu ku samata-bixi karo, ayuu iska dhaadhiciyay, inay tahay inuu geedka ku dul noolaado.
Saddexdii sano ee lasoo dhaafay, si kastaba, wuxuu ku noolaa geedka dushiisa isaga oo biyo iyo raashiin ay hooyadiis u keento ku noolaa maalin walba.
Winifreda Sanchez, oo ah hooyada dhashay ninkan waxay wiilkeeda ka dhaadhicin jirtay inuu ugu yaraan dhulka usoo dego si uu u qubeysto. Waxa kaliya oo ay awoodi jirtay ayaana ah inay raashiinka iyo sigaarka maalinle usiiso. Walaalkiis wuxuu sheegay inuu isna ku daalay siduu kaga dhaadhicin lahaa dhulka inuu yimaado.
Bishan dhexdeeda, si kastaba, dadka xaafadda ayaa ugu danbayn ku guuleystay inay dhulka soo dhigaan.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!