crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La-yaabka | HimiloNetwork | Page 11

La-yaabka

Haweeneydii si la-yaab leh madaxeedu ugu xayirmay….

MUQDISHO (HN) — Haweeney u dhalatay dalka Colombia oo lagu soo warramay inay rabtay inay hubiso haddii jaarkeedu ku jiraan gurigooda ayaa madaxeedii kala soo bixi weysay biraha afar-geeska ah ee ganjeelka guriga – xilli ay isku dayaysay inay ka dhex fiiriso. Muddo shan saacadood ah ayuu madaxeedu ku dhex xayirmay biraha ganjeelka. Haweeneydan oo aan magaceeda la shaacin ayaa ...

Read More »

Ugaarsadihii sabab la-yaab leh ku toogtay 5,000 oo Maroodi.

Harare (HN) — Ron Thompson oo u dhashay dalka Zimbabwe waa ugaarsade ilaa iyo hadda inta la og yahay dilay in ka badan 5,000 oo Maroodiyaal ah; boqolaal lo’ kisi ah, iyo duurjoog kale oo tira badan intii uu ku jiray noloshiisii ugaarsinimada oo ku dhow 50 sannadood. Dhawaan wuxuu sheegay inuusan isku heysan danbiile; mana qabo sabab uu ku ...

Read More »

Ninkii fadhiyay 50 saacadood oo xiriir ah oo uu ku dhacay cudurka Qalalka.

MUQDISHO (HN) — 42-jir ku nool dalka Shiinaha ayaa waxaa haleelay cudurka Qalalka kaddib markii uu 50 saacadood oo xiriir ah dul fadhiyay kursiga – isaga oo adeegsanaya qadka. Marka loo eego kaamirada CCTV, ninkan ayaa soo galay xarunta March 31 kamana uusan tagin isla goobta 50 saacadood ee ku xigay. Waxay aheyd kaliya markii shaqaalaha xarunta ay dib u ...

Read More »

Hooyo Wiilkeeda deyrisay markii natiijo aysan jecleysan uu ka helay imtixaanka.

MUQDISHO (HN) – Hooyo uur-adag ayaa wiilkeeda 12-jirka ah uga dhaqaaqay bartamaha waddo weyn oo ku taal Luoyang kaddib markii natiijadiisa imtixaanka uu ka keenay 81% taas oo aan cajabin hooyada. Saraakiisha sal-dhigga booliska magaalada ayaa inankan ka helay agagaaraha meel u dhow halkii hooyadiis ay kaga dhaqaaqday. Waxaana dad goobta ka ag dhawaa ay sheegeen inay arkayeen hooyada oo ...

Read More »

Nin Maalinta Dhalashadiisa loo soo diray tahniyado badan kaddib…….

MUQDISHO (HN) — Nin ku nool New Jersey ayaan waligiis hilmaami doonin xuska dhalashada sanad-guuradiisa 62aad kaddib markii wiilashiisa ay nambarkiisa ku dul qoreen boor weyn – iyaga oo dadka ku casuumaya inay usoo hambalyeeyaan aabahood. Ilaa iyo hadda wuxuu helay hambalyada dad ka badan 15,000 oo – wicitaan iyo qoraal ahaanba – ugu soo diray. Chris Ferry wiilashiisa waxay ...

Read More »

Arday – si ay u fahmaan saameynta tubaakada – ku dhex caba fasalka.

MUQDISHO (HN) — Dhowr sawiro muujinaya arday sigaar ku dhex shidanaya meel u muuqata fasal ayaa muddo bilooyin ah heystay baraha bulshada, iyada qof walba oo arka uu la-yaab sunniyaha la taagayay! Markii dib loogu fiirsadayna, waa xiisad si baraatiko ah ardayda loogu baro saameynta tobaakadu ku leedahay caafimaadka. Baraha Shiineesku ku xiriiraan ee Weibo ayaa markii hore lagu baahiyay ...

Read More »

Carruur Waalidkooda Maxkamad ku taagaya sababta ay Sawiradooda usoo dhigaan BB.

MUQDISHO (HN) — Waxaan dhammaanteen jecelnahay inaan baraha bulshada ku wadaagno sawirrada saaxiibada iyo dadka aynu jecelnahay – innaga oo aan is weydiinin cawaaqibta ka ratibmi karta. Balse sheeko ka dhacday dalka Talyaaniga ayaa caddeynaysa in marwalba aysan sahlaneyn in qofkaada – carruurta – aad sawiradooda soo dhigto baraha bulshada. 16-jir u dhashay Talyaaniga ayaa maxkamad hooyadiis kula fuulay sababta ...

Read More »

Milkiile qoorta ka jabay Kolkii eygiisa uu kusoo dul dhacay!

MUQDISHO (HN) — Mikiile ey ayaa loola cararay isbitaalka kaddib markii eygiisa uu kasoo dul dhacay – kaddibna uu qoorta ka jabiyay. 67-jirkan la yiraahdo Liu wuxuu kusoo laabanayay aqalkiisa oo uu safar dheer uga maqnaa markii wax culus ay dusha uga soo dhaceen. Markaas ayaa u miir-danbeysay wuxuuna naftiisa ku arkay isaga oo ku sugan sariirta isbitaalka. Isaga oo ...

Read More »

Magaalo Bandow u galaysa arrin cajiib leh.

Moscow (HN) — Magaalada yar ee Belushya Guba ee Waqooyiga dalka Ruushka, waxaa lagu soo rogay xaalad degdeg ah kaddib markii raxan Madax-kutiyo ah ay bilaabeen inay guryaha u galaan dadka degaanka – iyaga oo cunnooyin raadsanaya. Dadka degan oo tiro ahaan gaaraya 3,000 oo ruux, qaar badan ayaa cabsi la nool oo aan awoodin inay guryaha ka dhex baxaan ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!