crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan – Ninka maalin kasta beera geed 48-kii sano ee lasoo dhaafay! | HimiloNetwork

Lakulan – Ninka maalin kasta beera geed 48-kii sano ee lasoo dhaafay!

MUQDISHO – Waxay yiraahdeen hal qof masameyn karo is-baddal, hayeeshe Abdulsamad Sheikh oo 60-jir tuktukle reer Bangladesh ah, wuxuu caddayn nool u yahay in dadaallada yaryar ee soo jiitama in muddo ah ay macno weyn leedahay. Wuxuu beeray hal geed ugu yaraan maalin kasta taniyo markii uu 12 sano jirsaday taas oo ka dhigan inuu abuuray keyn yar oo ka kooban geedo dhan 17,500 .
Bal qiyaas haddii qof kasta oo Soomaali ah uu qaado tallaabadiisa oo kale.
Abdulsamad Sheikh oo degmadiisa Faridpur ee dhacda bartamaha Bangladesh looga yaqaan ‘Tree Samad’, wuxuu inta badan noloshiisa kusoo qaatay sida darawal tuktukle ah. Wuxuuna maalintiiba ka helaa lacag dhan 100 taka (1.25$) taas oo ku filan inay buuxiso saxamada raashiinka lagu cuno ee reerkiisa.
Hayeeshe wuxuu sidoo kale maareeyaa inuu ugu yaraan hal geed ka iibsado xarunta dhirta Faridpur maalin walba. Wuxuu shaqadiisa u tix-gelinayaa mas’uuliyad caalami ah. Wuxuuse sheegtay inuusan jiifsan karin habeen haddii uusan beerin geed maalinteeda.
“Habeenkii oo dhan ma jiifsan karo haddii aanan beerin geed,” Abdulsamad ayaa u sheegay The Daily Star. “Waxaan sidan sameynayay taniyo markaan jirsaday 12 sano. Badi waxaan ku beeri jiray xarumaha dowladda, maadaama qofna uusan goyn karin. Waan waraabiyaa sidoo kale. Haddii aan arko qof goynaya geed, waan kahortagaa. Waan jeclahay noolaha oo dhan siiba geedaha.”
Abdulsamad, afadiisa Jorna iyo carruurtiisa waxay ku nool yihiin aqal hoori ku dhex yaal cad dhul oo uu leeyahay xafiiska guddoomiye xigeenka degmada Faridpur. Malahan dhul iyaga gaar u ah, mararka qaarna dhaqaalaha reerkiisu makaafin karo xooggiisa, hadana wuxuu aalaaba muhiimadda siiyaa iibka maalinle ee geedka uu beerayo. Afadiisa Jorna way iskula dhacaan, hayeeshe tix-gelin kama bixiyo.
“Dhakligiisu uma badna si uu u daboolo baahida reerka,” ayay tiri Jorna. “Mararka qaar waan ka diidaa inuu geed beero laakiin dan igama galo; dhugna iima yeesho. Jaceylka uu u qabo geedaha waa mid aan la joojin karin.”
“Waligay umaan sheegin aabahay inuusan geed beerin, wax fiican ayuu u hayaa bulshadiisa,” curadka Abdulsamad, Kutub Uddin oo 30-jir ah ayaa intaas kusii daray.
Jaarka Abdulsamad waxay wada ogsoon yihiin dhaqankiisa suuban – qaar ayaana xusuusan kara siday u arki jireen isaga oo geed beeraya markii ay carruurta ahaayeen. Muuqaal fiidiyow ah oo ay duubtay The Daily Star, waxay ku tilmaameen dhowr geedo waaweyn ah oo uu tallaalay sanado kahor – iyaga oo muujiyay xushmadda iyo qadarinta mugga leh oo ay u hayaan.
“Abdulsamad waa muwaadin wax-gal u ah bulshadeenna,” Mid kamid ah daganayaasha laguna magacaabo Abulkalam Howlader ayaa yiri. “Inaan arko shaqadiisa fiican waxay ii dhiirri-gelinaysaa si dhab ah.”
“Ma ahan kaliya geedaha,” ayuu yiri Jaarka Abdulsamad, Sakandara Ali. “Waan nin gargaar. Haddii qof uu kaalmo warsado wuu siiyaa abaal la’aan. Wuxuuna ku qeexay dadnimadiisa mid dhif iyo naadir ah – rare type of personality.
60-jirka Abdulsamad wuxuu sheegay inuu bilaabay beerista 48 sano kahor, waayo Alle ayaa ku ilhaamiyay. Wuxuuna sidaas soo fali jiray maalin kasta taas oo ka dhigan inuu gacantiisa ku beeray 17,532 geed.
Dadaalkiisa waxaa dhawaan ka abaalguday warsidaha The Daily Star. Waxayna guddoonsiisay 100,000 taka ($1,253) si uu ugu dhisto aqal reerkiisa ku filan. Hadalkii guddoomista, Abdulsamad wuxuu warsaday qof walba inuu raaco tallaabadiisa kana hortago wax-yeellada deegaanka.
“Kaligay waxba masamayn karo. Waxaan u baahanahay kaalmadiinna,” ayuu yiri Abdulsamad.
Halganka Abdulsamad wuxuu ina xusuusinayaa sheekada Jadav Payeng oo loogu magac-daray India’s “Forest Man” iyo haweeneydii loogu magac-daray The Mother of Trees iyo halgamayaal kale oo kaalin kaga jira ilaalinta iyo nooleynta deegaanka.
1 2 3
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed ‘Hiraal’
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!