crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Eeyo mashruuc dhir-beeris ah ka bilaabaya Keyn gubatay! | HimiloNetwork

Eeyo mashruuc dhir-beeris ah ka bilaabaya Keyn gubatay!

Santiago (Himilonews) – Bishii January 2017, dab xooggan ayaa qabsaday gobalka dhaca bartamaha Chile ee La Maue kaas oo danbas ka dhigay dhul cabbir dhan 457,000 hectare oo keyn ah – hadda saddex Ey ayaa isku dayaysa  inay inta karaankooda ah dib ku dhireeyaan iyaga oo orodka ay jecel yihiin adeegsanaya.
Das, Olivia, iyo Summer oo ah saddex dhedig ayaa si adag iskugu dayaya inay dib usoo nooleeyaan keyntan taniyo bishii March. Balse ma oga sida weyn oo shaqadani muhiim u tahay, kaliya waxay orodkay jecel yihiin ku bixinayaan fulinta mashruucan qiimaha badan.
Milkiilaha Eeyahan, Francisca Torres oo 32-jir ah ayaa u kaxaysa goobo dhowr ah oo keynta kamid ah iyada oo kolay yar oo miro abuureed ku jiraan dusha u saaraysa. Kadibna Eeyaha ayaa inta ay ordi karaan xawaaraynaya iyaga oo firdhinaya miraha loo dhiibay. Marka ay soo laabtaanna, waxay siisaa abaalgud ay ku farxaan – kadib halkooda ayay kasii miisaan howsha.
Torres oo Eeyaha u tababartay inaysan weerarin xayawaannada duurjoogta ah marka ay ku guda-jiraan howlgalkooda, waxay sheegtay inay si fiican uga soo dhalaalaan shaqada – maadaama ay leeyihiin daaqad, xawaare iyo garasho dheeraad ah.
Maalin kasta waxay jaraan masaafo dhan 30 km iyaga oo firdhinaya ku dhawaad 8 kg oo abuur ah. Halka qof lugeynaya laga yaabo inay ku qaadato 3 km inuu ku beero iniinaha. Waxay sidoo kale leeyihiin kartida dhursugidda iyo hubsashada abuurka ay beeraan. Waxaana intaas sii dheer, way jecel yihiin waxa ay sameynayaan.
“Waxa ugu weyn waa in la arko nolosha dhirteenna,” Francisca Torres ayaa u sheegtay AFP. “Waxaan aragnay dhawaanahan goob cagaarku kusoo laabanayo – mahadaas waxaa iska leh Summer, Olivia iyo Das.”
Dib u dhiraynta keyn ballaaran taas oo wada gubatay waxay qaadanaysaa sanado, balse Torres ayaa rajaynaysa in Eeyahani cagaar iyo dhir ku filan baxaalliga keynta ku fulin karaan muddo yar.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!