crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shiinaha – Qoyska Shinnada la nool | HimiloNetwork

Shiinaha – Qoyska Shinnada la nool

Beijing (Himilonews) – Aragga kolonyo Shinni ah oo hareerahaada ka gunuunacaysa waxay ku filan tahay inay kugu rido argagax, hayeeshe hal qoys oo Shiinees ah ayaa gurigooda kula noolaa muddo 12 sano ah. Waxay xattaa ka guran jireen malabka iyaga oo lacag ka sameynaya.
Dad badan laga yaabee inaysan suuraysan karin. Balse inaad qolkaada qeyb ka siiso Shinnida iyada oo xurriyo kugula noolaanaysa, waxay hadana kuula dhadhamaysaa si kale. Hayeeshe qoyska Shiinaha ku nool ayaa caddayn kara inay tahay maangal – kaliyana ma ahan maalmo ama toddobaad, balse sanado badan.
Muuqaal fiidiyow ah oo dhawaantan ku baahay Shiinaha ayaa muujiyay aqal ku yaalla Gunagnan – halkaas oo Shinni ay ku dhex nooshahay qolka fadhiga ee reerka. Milkiile Yongfu Li wuxuu sheegay in hal maalin ay si fudud ugu timid kadibna ay aqalkeeda ka dhisatay gurigiisa. Waxaa socotay xaflad aroos xilligaas, wuxuuna imaantinkeeda u arkay mid hambalyo xanbaarsan. Hayeeshe halkii uu ka eryi lahaa, wuxuu oggolaaday inay qolka fadhigiisa ka dhistaan gurigooda gaarka ah.
“Maalintii ay Shinnidu timid aqalkayga waxay ahayd maalin weyn. Waxayna ila tahay inay ogaayeen farxadda maalintaas,” ayuu yiri Li. “Sayid Fengshui ayaa ii sheegay inay u yimaadeen si ay iigu shaqeeyaan.”
Qaadashada weedha Fengshui si kal iyo laab ah, Yongfu Li wuxuu u idmay Shinnida inay la noolaadaan isaga oo ka qaadanaya malabka ay soo saaraan saddex jeer sanadkiiba. Wuxuuna ka gurtaa  malab dhan 5 kg oo ku kacaya 15$ – celceliska sanadka oo dhanna waa 450$.
Ma ahan mashruuc ama heshiis xun inaadan iska eryin Shinni si ay malab kuugu sameyso.
Li hadda wuxuu gurigiisa kula nool yahay Shinnida muddo 12 sano ah. In kasta oo uusan sheegin haddii ay kala kulmeen dhib, hadana shaki kuma jirto inay ugu yaraan qaniinyo ka heleen.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!