crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin Maalinta Dhalashadiisa loo soo diray tahniyado badan kaddib……. | HimiloNetwork

Nin Maalinta Dhalashadiisa loo soo diray tahniyado badan kaddib…….

MUQDISHO (HN) — Nin ku nool New Jersey ayaan waligiis hilmaami doonin xuska dhalashada sanad-guuradiisa 62aad kaddib markii wiilashiisa ay nambarkiisa ku dul qoreen boor weyn – iyaga oo dadka ku casuumaya inay usoo hambalyeeyaan aabahood. Ilaa iyo hadda wuxuu helay hambalyada dad ka badan 15,000 oo – wicitaan iyo qoraal ahaanba – ugu soo diray.


Chris Ferry wiilashiisa waxay aabahood si kajan ah ugu dabaal-degi jireen dhalashiisa marka ay usoo raacaan maqaayadaha – iyaga oo kabal-yeeriyada u sheegaya inay tahay maalinta dhalashada aabahood kaddibna uga soo qaadaya toortooyin. Sannadkan waxay ku dhaqaaqeen tallaab aan laga fileyn. Waxay soo kirayseen boor ku dhagan Linwood – iyaga oo ku dul qoray magaca aabahood iyo nambarkiisa. Waxayna qofkii arkaa ugu yeerayeen inuu hambalyo usoo diro aabahood.

Waxay filayeen in kaliya dadka degaanka ay soo wici doonaan, balse markii muuqaalka sawirkan lagu baahiyay baraha bulshada, Chris wuxuu helay tahniyado aan kala joogsi lahayn oo kaga imaanaya dad kala duwan.





error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!