MUQDISHO (HN) — Sal-dhigyada booliska Thailand ayaa saraakiishooda kuwa cayilan u diraya xeryo loo sameeyey kuwa cayilan oo lagu siiyo leyli lagu yareynayo calooshooda.
Mashruuca waxaa la yiraahdo Belly Destruction, waxaana la guda-galay laba toddobaad kaddib markii lagu guuleystay Barnaamijka Leyliga Duuliyayaasha. Sal-dhigyada Thailand ayaana hadda soo diraya saraakiishooda cayilan si xeryaha loogu siiyo leyli ay ku dhimaan cayilka calooshooda.
Sal-dhig walba wuxuu diraya saddex ama labo kamid ah ciidamadiisa kuwa ugu cayilan si looga yareeyo culeyska caloosha. Waxay gudaha xerada ku taala Pak Chong ku dhex sameyn doonaan oroddada qeybaheeda kala duwan, kaxeynta baaskiilada, iyo qaadashada cunno isku dheelli-tiran si looga yareeyo culeyska caloosha.
Mashruuca Belly Destruction ayaa lagu baraarugay kaddib markii sawiro laga soo qaaday ay ku baaheen baraha bulshada.
“Haddii aad cayilan tahay waxaa ku heysata dhibaato,” ayuu yiri Senior Maj Sornpech. “Mana ahan taasi mid la qaadan karo marka aad tahay askari raba inuu la halgamo danbiilaha baxsadka ah ee la doonayo in gacanta lagu soo dhigo.”
Ku dhawaad 200 oo askar cayilan ah ayaa ka qeyb-galay mashruucan, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in askarta qaar ay iska rideen 60% ugu badnaan iyo 20% ugu yaraan.
Page-ka Love Police oo lagu soo daabacay saiwrada ciidamada ayaa ku baahay baraha bulshada.
You must log in to post a comment.