crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hooyo Wiilkeeda deyrisay markii natiijo aysan jecleysan uu ka helay imtixaanka. | HimiloNetwork

Hooyo Wiilkeeda deyrisay markii natiijo aysan jecleysan uu ka helay imtixaanka.

MUQDISHO (HN) – Hooyo uur-adag ayaa wiilkeeda 12-jirka ah uga dhaqaaqay bartamaha waddo weyn oo ku taal Luoyang kaddib markii natiijadiisa imtixaanka uu ka keenay 81% taas oo aan cajabin hooyada.


Saraakiisha sal-dhigga booliska magaalada ayaa inankan ka helay agagaaraha meel u dhow halkii hooyadiis ay kaga dhaqaaqday. Waxaana dad goobta ka ag dhawaa ay sheegeen inay arkayeen hooyada oo gaariga ay saarnaayeen xoog kaga soo dejinaysa wiilkeeda si dil iyo jeesjees leh. Waxayna isaga oo taagan uga dhaqaaqday goobta.

Kaamirada CCTV ayaa muujinaysa askarta oo usoo dhawaanaya wiilka si ay u qabar-wareystaan. Wax yar kaddib waxaa la ogaaday in wiilkan ay hooyadiis kaga dhaqaaqday goobta maadaama bandhig aysan jecleysan uu ka keenay imtixaankii uu galay.

Dalabka hooyada ayaa ahaa inuu keeno ama la yimaado 95%, laakiin wiilka ayaa sameeyey natiijo gaaraysa 81%. Imtixaanada Shiinaha ayaa ah kuwo aan sahal lagu gudbin. Waxaana ay go’aaamiyaan nuuca mustaqbal ee da’yarka Shiineeska ah.

Baraha bulshada oo aad loogu lafa-guray falka hooyadani ku dhaqaaqday ayaa lagu dhaliilay tallaabteeda.

“Waxaa tahay hooyo qeyrul-masuul ah,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ka aragti dhiibanayay dhacdada. Mid kale ayaa ku tala-bixiyay in wixii ay sameysay aanay wanaagsaneyn oo ay fiicneyd inay fursad kale siiso cunugeeda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!