crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Da’yar Fartiisa u jaray Xisbi uusan dooneyn oo uu u codeeyey awgeed. | HimiloNetwork

Da’yar Fartiisa u jaray Xisbi uusan dooneyn oo uu u codeeyey awgeed.

DELHI (HN) — Pawan Kumar, oo 25 jir ah, kuna nool gobalka Uttar Pradesh dalka Hindiya ayaa si ula-kac ah isaga jaray suulkiisa kaddib markii sida la sheegay uu ugu codeeyey musharrax uusan rabin inuu codkiisu ugu deeqo.


Kumar ayaa sheekadiisa waxay noqotay mid ku baahday baraha bulshada Hindiya iyo dunida oo dhan isaga oo faashad ku xirtay gumadka suulkiisa. Wuxuu falkiisa ku sheegay ciqaab uu naftiisa ka galay oo ay tahay inuu dhadhamiyo inta noloshiisa ka dhiman.

Kumar oo kasoo jeeda qowmiyadda la-yaso ee Dalit, wuxuu warbaahinta u sheegay inuu doonayay inuu codkiisa siiyo Xisbiga SP-BSPRLD iyo murashaxooda Yogesh Sharma, hayeeshe wuxuu ku wareeray astaamaha xisbiyada ku jira loolanka doorashada. Wuxuuna codkiisa si kama’ ah u siiyay Xisbi uusan rabin.

Sidaas darteed, wuxuu diiday inuu la noolaado qaladkiisa, wuxuuna iska gooyay suulkii uu codka ku dhiibtay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!