MUQDISHO (HN) — 52-jirka lagu magacaabo Simon Lee wuxuu toddobadii sanno ee lasoo dhaafay seexan jiray gidaaradda Hong Kong laakiin sida darbi-jiifta kale majirto sabab dabiici ah iyo mid duruufo nololeed ah oo ku qasabtay inuu noqdo dibjir. Xaqiiqdii waa isaga midka doortay inuu u noolaado sida darb-jiifka. Wuxuuna isaga oo soo tagay shaqadii uu qabsan jiray iyo wixii uu hanti lahaa – waayo wuxuu ciriiri ku dareemay nolosha dabaqadda dhexe. Wuxuuna darbi-jiifnimada u arkay mid xal u leh noloshiisa.
Muuqaalka kore kama fahmi kartid darbi-jiifta kale, balse Simon wuxuu xittaa kaga qalin-jebiyay Jaamacadda culuumta kimistiriga. Taniyo sannadkii 1997, wuxuu heystay shaqo uu xafiiskiisa ka agaasimo. Balse maalin ayuu dareemay inuusan qanacsanaan ku dareemeyn shaqada kallarka cad ‘white collar job’, wuxuuna isaga tagay shaqadiisa – isaga oo qabtay Macau oo jaarkiisa ku taalla.
Kolkii uu halkaas gaaray, Simon wuxuu bilowgii shaqa macalinnimo ka helay dugsi ay dhigtaan carruurta degmada, wuuse isaga tagay Macau in yar kaddib isaga oo qabtay Zhuhai halkaas oo uu ku xubeeray.
Simon wuxuu ugu danbeyntii go’aansaday inuu Macau ku noqdo, hayeeshe, kolkan wuxuu qaatay go’aan noloshiisa inta ka dhiman ka dhigi gaaray darbi-jiif.
In kasta oo markii danbe lagu guuleystay in lagu soo celiyo magaalada Hong Kong dibna uu u helay noloshiisa hore, haddana wuxuu mar la weydiiyay xaaladda nololeed ee darbi-jiifnimada ku jawaabay: ‘Waa nolol ka madax-bannaan welwel. Uma baahnid inaan ka fikirto beritto sida ay kuugu imaan doonto. Waxa kaliya oo aad u baahan tahay ayaa ah inaad maalintaada ku qaadato wixii kusoo dhaca gacantaada.”
“Haddii aad dooneyso inaad faraxsanaato, halkii aad ka noqon laheyd bani aadan u halgama hanashada sumcad iyo sharaf, waxaa kuu dhaanta adigoo iskaga noolaada sida xoolaha,” ayuu yiri.
Markii sannadkii 2010-ka laga soo qabtay halkii uu darbi-jiifka ku ahaa, Simon wuxuu yiri; ‘mafilayo inaan xoroobay, Inaad darbi-jiif noqotaa waxay xalin kartaa dhibaatooyin badan, uma baahnid inaan guri kiraysato. Waxaad seexan kartaa meel walba.”
“Waxay ila tahay inaan shacbiga u badbaadiyay ililo badan oo kheyraad ah, ma isticmaalo lacag, mana u baahni inaan sameeyo. Mana bursado oo kama daba-ordo adduunyada iyo sharafta.”

Simon wuxuu hadda ku jiraa ol’ole uu dadka ku barayo in darbi-jiifnimadu aanay mar walba la xiriirin dhibaato faqri iyo mid kala-furasho qoysas. Bartiisa waxaa ku tixan dad gaaray 6 milyan.
You must log in to post a comment.