DELHI (HN) — Sannadkii 1991-kii, Anil iyo Pamela Malhotra waxay iibsadeen goof yar oo cabbirkiisu la’eg yahay 55 acres oo ku yaalla Karnataka – iyaga oo bilaabay inay ku beeraan geedaha asal ku ah degaanka. Hadda in ku dhow 30 sannado kaddib, goofkii yaraa wuxuu isku rogay keyn yar oo kulmisa noolaha kala duwan sida duur-joogta dabargo’a ku sugan, dhirta sii xaalufaysa iyo nuucyada shinbiraha.
Lammaanahan waxay sannadkii 1960 ku kulmeen New Jersey gudaha Maraykanka. Labaduba waxay si jaceyl is la’eg u qaadeen xanaanada duur-joogta markii ay toddobo bax u aadeen Hawaii. Halkaas waxay ka iibsadeen dhul si ay ugu noolaadaan. “Degaamaysigeennu halkan wuxuu runtii bilow u yahay halgankeennii dheeraa ee ilaalinta degaanka iyo noolaha,” ayuu yiri Anil.
Sannadkii 1986-kii, lammaanaha ayaa u baxay safar Hindiya ah markii uu dhintay Anil aabihiis. Wixii ay ku arkeen gudaheeda wuxuu ahaa mid aan laga aamusi karin – xaaluf ba’an oo ka jiray degaanka iyo wasaqda oo baahsan. Qofna uma muuqan inuu xil iska saarayo daryeelka degaanka. Sidaas darteed, waxay is tuseen inay tahay iyaga iyo karaankooda inay wax ka qabtaan halista taagan. Waxay iska soo iiibiyeen gurigoodii ku yiilay Hawaii – usoo guureen Hindiya. Halkaas kaddib waxay indhaha la raaceen kobta ugu macquulsan oo ay ka hir-gelin karaan mashruucooda.
Markii ay ku adkaatay inay dhul iib ah ka helaan waqooyiga, waxay dhul ka heleen Kodagu oo katirsan Kartanataka. Beeraley ay ku adkaatay inuu beertiisa kasoo saarto dalagii uu ka heli jiray ayaa usoo bandhigay inay ka iibsadaan.
Cimilo ahaan, kobtani beeraha ku yiilay uma saamaxeyn wax-beerashada qaar . Balse Anil wuxuu ogsoonaa inay ku fiican tahay in keyn laga dhigo. Halkaas waxaa uga bilowday halgankoodii dib-u-beerista iyo ilaalinta degaanka. In badan waxay shaqada ku ilaalin jireen dabeecadeeda. Ma beerin jirin geedo badan, waxay sugi jireen in roobku go’aamiyo soo saarista dhirta qaar. In yar kaddib markii dhirtu kusoo noqotay muuqaalkeedii lagu jeclaa, waa isla waqtigii ay kusoo hayaameen noolaha kala duwan si ay ugu dhex noolaadaan.
Markii lagu baraarugay is-beddelka Anil iyo Pamela ka dhaliyeen beerta yar, beeraleyda kale ayaa oggolaaday inay kuwoodana ka iibsadaan si ay qeyb uga noqdaan halgankooda badbaadineed ee degaanka. Waxayna ka iibiyeen beerahooda inta la awoodi karo in keyn loo rogo.
“Dadku waxay moodi jireen inaan waalannahay,” ayuu yiri. “Balse waa caadi. Dad badan oo dunida is-beddel ka dhaliyay waxaa loo arkay inay waalan yihiin bilowgoodii hore kahor inta aan lagu baraarugin guushooda.”
In degaanka laga haajiray oo cidna aysan jecleysan inay ku dheefsadaan, laga dhigo duni muhiim ah nolosha aadanaha iyo noolaha kale, waxay runtii muujinaysa kartida insaanka ee la xiriirta kaalintiisa.
Dhammaan nuucyada noolaha duur-joogta sida dugaagta, ugaarta, masaska iyo wixii soo raaca ayaa hadda ku kulma gudaha keynta.
“Bilowgii hore markii aan ku dhex soconayo gudaheeda waxaan kaliya maqli jiray dhawaaqa jaanta kobahayga,” ayuu yiri. “Hadda waa dhawaaqyo kala duwan oo aan kala joogsi laheyn.”
Doorkoodu kaliya ma uusan dhalin inay hoy u noqdaan duurjoogta, balse wuxuu sidoo kale dhaliyay inay soo tiigsadaan noolayaasha qaar oo aan dunida oo dhan laga heli karin. Balse waxaa wali jira halis kale oo ka dhalatay halgankooda.
Markii ay keyntu noqotay il ay ku kulmaan duurjoogta, dadka degaanka ayaa bilaabay inay ugaarsadaan duurjoogta qaar taas oo ugu danbeyntii keentay in ku adkaado xal-u-heliddeeda. Hayeeshe, marnaba kama aamusin ugaarsiga ay wadaan.
Wali halgankoodu ma ahan mid goor hore joogsaday. Marwalba oo ay helaan fursad ay keyn ugu bedeli karaan dhul iska cad, lammaanahani waxay isku dayaan inay degdeg uga jawaabaan.
You must log in to post a comment.