crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeneydii si la-yaab leh madaxeedu ugu xayirmay…. | HimiloNetwork

Haweeneydii si la-yaab leh madaxeedu ugu xayirmay….

MUQDISHO (HN) — Haweeney u dhalatay dalka Colombia oo lagu soo warramay inay rabtay inay hubiso haddii jaarkeedu ku jiraan gurigooda ayaa madaxeedii kala soo bixi weysay biraha afar-geeska ah ee ganjeelka guriga – xilli ay isku dayaysay inay ka dhex fiiriso.


Muddo shan saacadood ah ayuu madaxeedu ku dhex xayirmay biraha ganjeelka.

Haweeneydan oo aan magaceeda la shaacin ayaa degan magaalada La Virginia ee dalka Colombia, waxaa muuqaalka sheekadeeda uu ku baahay baraha bulshada, kaddib markii lagu soo warramay in laga soo badbaadiyay shilkii ay sida fudud ugu dhacday.

Ma cadda haddii haweeneydan ay qaab daljirnimo ah u jaajuuseysay reerka deriska la ah iyo haddii in kale ay rabtay inay hubiso qof hadduu gudaha ku jiro si ay ula hadasho.

Balse hal arrin ayaa iska cad. Waana inay awoodi weysay sidii kolka hore si lamid ah inay madaxeeda kala soo baxdo biraha ganjeelka. Taasina ay sababtay in booliska loogu yeero si ay uga samata-bixiyaan.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!