crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kufsi ba’an oo kajira Koofurta Suudaan | HimiloNetwork

Kufsi ba’an oo kajira Koofurta Suudaan

Jubba – Nyamai, oo ah 38-jir hooyo shan caruur ah leh, waxaa lagala baxay xaafadeeda Koch County. Waxaa loo ilaashaday si joogto ah loo xiray si hakad la’aan ah. In-ka-badan 10 askari ayaa saf ugalay hal cisho oo xiriiri ah si ay u kufsadaan.

“Fadlan, midkiin ha ii galmoodo. Dhamaantiin ha ii wada galmoonina,” ayay ku tawaawacday; waxaase loogu warceliyay garaac iyo jirdilid.

Ku lamid ah kiiskan, saddex gabdhood oo aan la guursan oo ka yimid Nyatuach ayaa la afduubtay bishii May intii lagu guda-jiray weerar lagusoo qaaday xaafadooda oo ku taalla Rubkona County. Labo ayaa wali maqan, hayeeshe gabadheeda 17-jirada ah ayaa lasoo baxsatay saddex ina adeeradeed ah.

Waxay soo noqdeen iyaga oo buka oo caataysan.

“Jirkoodii ayaa nuglaaday waxaana kasoo dhacaamaya carun ka dhashay galmada badan oo ay saf-mar ahaan ku mareen ciidamada,” ayay tiri Nyatuach; astaamo dhowr ah oo lagu yaqaan fistulaha ayaa lagu arkay gidaarada canbarkooda, kaadi-haysta iyo minka kuwaas oo ay sababeen galmo-qasabka joogtada ah ee lagu hayay muddo badan.  

Qaar ayaa si foolxun loo kufsaday jeer ay socodka tahli waayeen; kuwa ayaa lasii daayay halka kuwana la dilay.

“Kolkii gabdhaha dihintooda la jabsado, waxaa loola dhaqmaa sidii bullaacad lagu qubo carunka,” ayay tiri Nyatuach.

“Markii ay ila tageen, way i isticmaaleen,” gabadha ayaa u sheegtay hooyadeed. Rebeca waxay bilawday inay daryeel bogsimaad u dhigma kula tacaasho dhaawaca inanteeda.

“Waxna ma sameyn karno,” ayay u sheegtay. “Waa sidaas oo kale.”

Koofurta Suudaan ayaa ah dalkii ugu danbeeyey ee kamid noqda 55-ka dal ee Afrika ka kooban tahay. Taniyo markii ay ka go’een dal-weynihii Suudaan, dagaallo sokeeye iyo qalalaaso ayaa la dagay Koofurta Suudaan taas oo xaaladda Bini’aadnimo ee kajirta gobolkaas muddaba laga deyrinayay.

Isha: Himilonews.com.

Zakariya Hassan “Hiraal.”

Nagala soo xiriir; himilonews@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!