crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhallaan Soomaaliyeed oo markab dushiisa lagu dhalay | HimiloNetwork

Dhallaan Soomaaliyeed oo markab dushiisa lagu dhalay

Muqdisho – Midowga Yurub ayaa Isniintii shalay ahayd sheegay in howl-galka lagu samata-bixinayo soo-galootiga isku soo biimeynaya badda Mediterranean-ka lagu magacaabi doono Sophia “Safiya” si loo sharfo dhal-dhedig oo laga soo badbaadiyay Liibiya bishii hore.
“Ergo kamid ah guddiga siyaasadda iyo amniga ee Midowga Yurub “MY” ayaa isku raacay in la anba-qaado wajiga xiga ee howl-galka 7da bisha Octoobar kadib ansixinta sharciyada guda-galka,” golaha midowga Yurub ayaa ku sheegay warbixin ay soo saareen.
“Xoogaga Gaadiid badeedyadu waxay awoodi doonaan sahmiyaan, raadiyaan, oo ay gacanta kusoo dhigaan doonyaha looga shakiyo in loo isticmaalayo daabulka dadka iyo dalanbaabinta dhibanayaasha si waafaqsan xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Howl-galka  EUNAVFOR Med, waxaa lala bilaabay hadaf lagu heyb-ogaanayay laguna xejinayay maraakiibta iyo gaadiid badeedyada kale ee soo daabula muhaajiriinta bishii June.
Howl-galka ayaa ka koobnaan doona afar maraakiib oo ay ku jiraan birhaadyo xanbaar gegi-dayuuradeed iyo afar birhaadyo ah. Waxaa howsha wada fulin doonaa shaqaale gaaraya 1,138 kuwaas oo ka kala socda 22-dal oo dalalka Yurub ah.
“Guddiga siyaasadda iyo amniga ee Midowga Yurub wuxuu isku raacay EUNAVFOR Med lagu badalo magaca “Sophia”kadib markii magacaas loo bixiyay dhallaan lagu dhalay markab kamid ah kuwii ku jiray howl-galka kaas oo lagasoo badbaadiyay hooyadeed badda Liibiya 22 August 2015,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Cunugtan ayaa lagu dhalay dusha markab laga leeyahay Jarmalka oo lagu magacaabo Schleswig-Holstein kadib markii waalidkeeda oo Soomaali ahaa laga soo badbaadiyay doon kala timid Liibiya.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal”
Nagala soo xiriir; himilonews@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!