crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mugabe oo ceebeeyey Ragga is-fuula | HimiloNetwork

Mugabe oo ceebeeyey Ragga is-fuula

Muqdisho, Soomaaliya (Himilonews) – Madax-weynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ceebeeyey isku dayga ay wadaan dalalka reer Galbeedka ah oo ay ku doonayaan in dunida laga sharciyeeyo xaq-u-raadinta ragga ragga fuula “U galmooda.”
Isaga oo kahor hadlayay kal-fadhiga guud ee QM, Mugabe wuxuu sharcigan cusub ku tilmaamay mid kasoo horjeeda qiimaha, hab-dhaqanka suuban iyo caqiidooyinka Afrika.  Wuxuu aad u weeraray kuwa u ol’oleynaya hirgalinta sharciga oggolaanaya in nin uu fuuli karo nin kale.
“Inagu ma nihin kuwo is-fuuli kara. Mana suuragalayso in rag uu u galmoodo rag kale,” ayuu yiri hoggaamiyaha 91-jirka ah ee Zimbabwe. Sanadkii 2013, Mugabe wuxuu falkan ku tilmaamay mid kasii liita kana xun in lagu arko doofaarrada, duunyada iyo duusha.
hadal kan lamid ah oo uu yiri intii lagu jiray ka-fadhiga, Robert Mugabe—oo xilka ku sugan taniyo 1987—wuxuu ku dhaleeceeyey QM qeybta Xuquuqda Aadnaha u qaabilsan inaysan garsoor loo dhan yahay ku guddoomin ajandayaasha hor-yimaada oo ay qaar ka sara-mariso kuwa kale.
“Waxaan si mid ah u diidaynaa isku day kasta oo lagu sheego xuquuqul Insaan taas oo si cad uga hor imaanaysa xeerka Insaaniyadda, dhaqanka suuban iyo waxaynu rumeysanahay. Mar labaad waan ku celinayaa. Inagu ma nihin kuwo is-fuula,” ayuu yiri Robert Mugabe.
Dhawaan ayay aheyd markii warfidiyeenka caalamka qaarkood ay soo xigteen Mugabe oo ka jawaabaya oraahdii Barak Obama ee ku aadaneyd ansixinta xaqa kuwa is-fuula; haddii uu xeerkaas ka run sheegayo—ha ii oggolaado inaan isaga ka bilaabo oo aan u galmoodo.
Faallada Mugabe ayaa daba-socota sanado badan oo gudaha dalka Zimbabwe laga diiday hirgalinta xeerka tilmaamaya xuquuq rageed. Waxaa loot ix-geliyay sharci-darro lagu muto xabsi iyo ciqaab.
Sahan ayaa muujiyay in badi dalalka dhaca koofurta Afrika ee diinta Masiixiga aaminsan ay isu-qaadi karin fikradda ah rag inuu fuulo rag kale.
Zimbabwe waxaa la dagay saboolnimo taniyo xuriyadeedii. Warbixin ay soo saartay QM ayay ku sheegtay in Zimbabwe uu yahay dalka ugu saboolsan dunida.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir; himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!