Harare (HN) — Ron Thompson oo u dhashay dalka Zimbabwe waa ugaarsade ilaa iyo hadda inta la og yahay dilay in ka badan 5,000 oo Maroodiyaal ah; boqolaal lo’ kisi ah, iyo duurjoog kale oo tira badan intii uu ku jiray noloshiisii ugaarsinimada oo ku dhow 50 sannadood.
Dhawaan wuxuu sheegay inuusan isku heysan danbiile; mana qabo sabab uu ku qirto ama ku towbad keeno. Taas beddelkeeda, wuxuu eedda dusha ka saaray geyfanayaasha duurjoogta oo uu ku tilmaamay kuwa dhibta abuuraya.
77 jirkan howlgabka ah oo dhawaan la hadlay Muddaalaha The Independent, wuxuu sheegay inuusan waligiis isku heysan dhiig-yacab oo ah sida dad badan ay ka aaminsan yihiin. Balse ogaanshaha inuu tirada xad-dhaafka ee duurjoogta ay degaanka ku keeni karto halis, ayuu sheegay inay ka dhigtay inuu kaalin ka qaato dhimistooda. Wuxuu sheegay in – xittaa jiritaanka dacaayadda ay ka fidiyaan geyfanayaasha ay baaheyso – uu isaga ahaan, isku heysto inuu halgan adag usoo galay isku dheelli-tirka duurjoogta iyo degaanka. Shaqadiisuna ay aheyd samafal.
You must log in to post a comment.