Waa mar kale iyo Barnaamij aan ugu tala-galnay inaan ku kobcino garaadka bulshada iyo inaan ku hoga-tusaaleyno hadba dheelliga qofka bani’aadamka ku sugan innaga oo tusaalayaal iyo murtiyo waaya’aragaysan kusoo gudbin doonna. Hababa, xaq-dhowrka meertadan Kobci Maskaxdaada waxaan hadba in kasoo garoocanaynaa buugga Hano Noloshaada oo uu qoray Zakariya Hassan oo dhawaan suuqa-imaan doonaa. waxa aynu ugu horreyn kusoo bilaabi ...
Read More »Author Archives: Zakariya
Masjidka Xaramka oo la ballaarinayo
Makkah, Saudi Arabia (Himilonews)—intii uu ku guda-jiray booqashadiisa masjidka weyn ee Xaramka, boqorka laba shariif—Makkah iyo Madiina—Boqor Salmaan ayaa la kulmay saraakiisha ku howshoon fidinta iyo balaarinta Masjidka kuwaas oo sheegay in hal-qaadka Masjidka uu gaari doono heer uu himlin karo tirada Muslimiin dhan 1.85 malyuun mar qura dhamaadka wajiga saddexaad. War-qoraal ah oo kasoo baxay wakaalada wararka Sucuudiga,Wasiirka dhaqanka ...
Read More »Islaam-nace isku badalay Islaam-sharfe!!
Muqdisho (Himilonews) – Kolkii Jason Legar uu banbixii Jimacaha ee Islaam-naceybka ahaa uu aaday afaafka hore ee Masjidka Phoenix, maanu filanayn inuu kasoo tagi doono isaga oo qof kale ah—aragti kale oo cusubna ka haysta diinta uu aadka u necbaa. “Tix-gelin la’aanta loo hayo Bulshada Islaamka, ogaanshaha waxa aan hadda ogahay, waayo waan la hadlay oo aan la sheekeystay—mana fali ...
Read More »Fadliga ku jira bisha Shacbaan!!
Muqdisho (Himilonews) – Qof kasta oo Muslim ah waa la garowsan yahay in bisha Shacbaan tahay bil xurmeysan. Bisha Shacbaan waa bil qiima leh. Waxay u dhaxeysaa bilaha Rajab iyo Soon-qaad. Sidaas darteed, waxaa laynagu tirtirsiiyaa inaynu dhexdeeda la nimaadno samafallo suu-suuban. Hadaba, Himilonews.com, wuxuu idin soo gudbinayaa falalka suu-suuban ee aadka loo amaanay inta lagu guda-jiro Bisha Shacbaan; Soomanaanta ...
Read More »Baydhabo Mise Barisamo!!
Baydhaba (Himilonews) – Beydhabo waa madal qurux badan. Magaalo mug iyo milga leh. Mid kamida marqaatiyada tibaaxa barwaaqada dihan ee Dalka. Meel lagu barto hodantooyada dalnimo iyo dadnimo. Australia, waa magaca lagu naanayso. Qabowga, dhirta cagaaran, ilaha biyaha, sagal gulaama, hogal biya la ciirciirta iyo waqal roobaad oo xilli kasta hoora ayaa Beydhaba siisay magaca Australiya, Geyi aarana. Kasokow wuxuu ...
Read More »Maalmo-mugdiyeedka Mandheera!!
Muqdisho (Himilonews) – Cabsi ayaa isku qafishay gidaarada wadnaha uu qofka kasta ku shaqeeyo. Dabley hubeysan ayaa toddobaad kahor soo gashay tuulo qiyaastii 30—km dhanka koofur kaga beegan magaalada Mandheera; iyaga oo la baxay horfiiqii tuulada iyo ku-xigeenkiisa. Si foolxun oo madal-ku-joog ah ayay nafta u seejiyeen horfiiqii tuulada oo dadku ugu yeeri jireen Chief—iyaga oo dadka faray inaysan ka ...
Read More »Bulshada iyo Hab-fahmeedka Deegaan
qeybtii Koobaad; Muqdisho – Kadib dhugasho iyo u kuur-galid xeel-dheer oo aan muddaba ku howlanaa iyo waaya’aragnimo socdaaleed oo aan ku kala bixiyay dalkeenna Soomaaliya intiisa badan; siiba bartamaha iyo koofurta dalka, waxa iigu tiiraanyada iyo mahadhada badani ma ahayn sida nolosha Ummadeenu ugu adag tahay iyo siday hadba saha la joogo ula halgamaan calaf-doonka maalmeed. Waxaase iigu lur iyo ...
Read More »May dhiman Qarannimadu!!
Muqdisho – Kadib dagaallo sokeeye oo ay Soomaalidu isku nabar-wareentay muddo 20 sano kahor, maanta dareenkii nin-tooxsiga iyo haddimadii qabyaalad u ficiltanka wuu sii nuglaanaya. Hal iyo wax ka badan oo tusaale ah, dhan kastaba nolosha, heerkii qabyaaladu wuu kasii dabargo’ayaa. Dabcan heerarka aqoon iyo ilbaxnimo oo ay sii hiigsanayso ayaa kaalin libaaxnimo ka ciyaaraya. Hanaqaadka iyo horumarrada ay da’yarta ...
Read More »