crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> May dhiman Qarannimadu!! | HimiloNetwork

May dhiman Qarannimadu!!

Muqdisho – Kadib dagaallo sokeeye oo ay Soomaalidu isku nabar-wareentay muddo 20 sano kahor, maanta dareenkii nin-tooxsiga iyo haddimadii qabyaalad u ficiltanka wuu sii nuglaanaya. Hal iyo wax ka badan oo tusaale ah, dhan kastaba nolosha, heerkii qabyaaladu wuu kasii dabargo’ayaa. Dabcan heerarka aqoon iyo ilbaxnimo oo ay sii hiigsanayso ayaa kaalin libaaxnimo ka ciyaaraya. Hanaqaadka iyo horumarrada ay da’yarta maanta ka gaareen is-kaashiga iyo danwadaagnimada ku dhisan Soomaalinimada ayaana looga mahad celinayaa.
Balse jiraalka ah inay sii dhimanayso dareenka qabyaaladda, waxaa kusii lamaanan dareenka qaran-jaceylnimo oo ku koraya qalbiyada umadda tiiyoo dhiilladii kala gaartayna ay kiskis usii naf-baxayso. Gocashada xanuunka leh oo lagu kala irdhoobay kasokow, waxaa shaki ku jiray inay Soomaalidu taqaan ereyada wax cafin, saamixid iyo weeraha dhimriya. Taas oo god dheer kusii ridaysay inay Soomaalidu  marka hore barato ereyadaas dabadeedna ergeysato.
Tusaale ahaan Muqdisho oo ah biladayaha bulsho-weynta Soomaaliyeed, gu’yaal badan kahor, noloshu way adkeyd. Qabka iyo qabyaaladuna waxay ahayd qabnada qabqablaha. Heer aad u tabaaleysan ayay umaddu kusoo toostay kuna tisqaaday. Ahaanta caasimad umadeed ayaa tuhun ku jiray. Ninba intuu sara-joogay ayuu seereystay. Halkani waa qadka cagaaran…ka joog halkaas waxaa fadhiya moora-duug…yaa tahay adigu? Iyo ereyo kale oo caradaas ah layaab kuma aheyn da’dii waagaas oo ah duqowda maanta. Dhumucda iyo dhawaqyada hubkuna waxay uga dhigneyd dhex-taalkooda maalinlaha ah. Wax laga didana ugama dhigneyn dhimashada iyo dhaawaca. Waayo siday dharaartiina u hoos-harsanayeen daryanka diririmta leh ee hoobiyaasha habeenkiina lagu hurdisiin jiray darandooriga hubka ayay caadi ka dhigteen. Wax cusub kuma ahayn inay maqlaan. Waxaase ku adkeyd inay aaminaan inay hurdo gam’i karaan dagaal la’aantiis.
Ereyo cabsi iyo anfariir leh ayaa ka jiray Muqdisho. Raq dad ku dhintay. Mid lagu dhaawacmay. Mid lagu kala ir-dhoobay iyo adimo iyo laxaad aruugii ay ku yaaleen ka go’ay oo naafo ama naftii waayay. Waxaa kale oo jiray muran, ismaan-dhaaf iyo dhoollatus. Midkood kan kale ee walaalkiis ah ayuu u xiniinyo weynaa. Dabcan jiraalka hubka wax gumaada ee qabyaaladda.
Qeybtii koobaad.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!