crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bulshada iyo Hab-fahmeedka Deegaan | HimiloNetwork

Bulshada iyo Hab-fahmeedka Deegaan

qeybtii Koobaad;
Muqdisho – Kadib dhugasho iyo u kuur-galid xeel-dheer oo aan muddaba ku howlanaa iyo waaya’aragnimo socdaaleed oo aan ku kala bixiyay dalkeenna Soomaaliya intiisa badan; siiba bartamaha iyo koofurta dalka, waxa iigu tiiraanyada iyo mahadhada badani ma ahayn sida nolosha Ummadeenu ugu adag tahay iyo siday hadba saha la joogo ula halgamaan calaf-doonka maalmeed. Waxaase iigu lur iyo laabjab badnaa sida deegaankeenu ku sugan yahay.
Deegaanka oo ah hooyada nolosha noolaha waxaa gaaray nabarro; guud iyo gudaba isugu jira. Waxaa loo geystay daqarro. Waxaa Marti looga dhigay dabargoyn. Waxaana magan u ah beylah.
Soomaaliya oo hodan ku ah ilaha badiiciga ah ee daaqa, duunyada iyo dihinka, waxay ku socotaa qaaday tallaabooyinkii ugu danbeeyey ee ay ku gumaaadayso hu’geeda, hoygeeda iyo hungurigeeda. Kasokow milgada uu deegaanku ku fadhiyo, Soomaali badan wali macnaha dhabta ah ee deegaanku leeyahay ma garowsana. Mahuraanka ah inay barato sida deegaanka loo dhowraariyana waa waxa ugu mudan oo maanta umadeennu la’dahay. Haddii ay garatana kaga bixi karto makasnimada kaga aadan deegaaanka iyo sda looga dheefsado.
Ol’olaha ku aadan in Soomaalida lagu baraarujiyo barwaaqada dalkooda iyo sida beylahda looga dhowro, ma ahan mid hadda un anba-qaaday. Waa mid lasoo if-baxay hanashadii gobannimada iyo isu-taliskii umadda. Walise wacyi-gelintaas sidii looga dhursugayay uma ebyan. Waxay ku dhacday laabyo maqan dhego leyrta u duleela.
Hadaba, ku sinnaan 1985—kii ayaa abwaannadii Soomaaliyeed curiyeen riwaayad loogu magac daray Dal Barwaaqo ah iyo Dad ka Baahan. Iyaga oo muujinayay sida dalkani Eebe barwaaqo ugu shubay iyo sida dadkiisu ay uga arradan yihiin.
Soomaaliya oo hormuud u ah xoolaha la dhaqdo oo geela ugu badanina ku nool yahay, waxay ku socotaa inay gacmaheeda ku lumiso hantidaas qaayaha badan. Hadii loolanka loogu jiro ka manafacsiga deegaanka oo uu sidaan kusii socdo, waxaa hubaal ah in dalkani aanu nolol lagu lado kasii jiri doonin.
Xigasho; Buugga Duur-Joogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!