crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan: Haweeneyda daryeesha in ku dhow 1000 Bisado ah | HimiloNetwork

Lakulan: Haweeneyda daryeesha in ku dhow 1000 Bisado ah

California (Himilonews) – Lynea Lattanzio waxay jecleyd Bisad markii ay carruurta aheyd, hayeeshe hooyadeed lama dooneyn. Hadda waxay madax ka tahay xarun loogu magac-daray Cat House on the Kings oo daryeel iyo gabaadba siisa in ka badan 1000 oo Bisado ah.
Sheekada qiirada leh ee Lynea waxay bilaabatay sanadkii 1981 kadib markii ay martay furriin qaraaraa iyada oo go’aansatay inay u guurto goob dacalka ku heysa jin webi. In yar kadibna waxay bilowday inay is-weydiiso waxa haweeney kaliya kuna nool guri cidla oo aan laheyn carruur ay sameyn karto?
Hayeeshe hadana in yar dabadeed waxay qaadatay go’aan nolosheeda is-baddal ku sameynaya. 9 sano kadib, aabaha Lynea ayaa weydiistay inay Bisad ku weynaatay aqalkiisa ay geyso goobaha xanaanada; una keento mid kale oo da’yar.
Fulinta balanka aabaheed Lynea waxay dul timid goob lagu daryeelo xayawaannada, waxayna kala baxday xeyn Bisado ah oo yaryar. Dhamaadka sanadkaas, waxay soo samata-bixisay; una fidisay daryeel in ka badan 96 Bisado ah.
Sanadkii 1993,  Lynea Lattanzi waxay noqotay howl-gab taasi oo u sahashay inay fursad u hesho daryeelka Bisadihii ka badnaa 150 xubnood. Waxay sidoo kale iska iibisay dheemankii arooskeeda iyo gaari ay laheyd si lacagta uga soo baxda ay ugu socodsiiso mashruuca xanaaneynta Bisadaha.
Sanadkii 1997, kormeer ka socday kooxda ilaalisa daryeelka iyo faya-dhowrka xayawaanka oo lagu magacaabo Fresno County Board ayaa Lynea u aqoonsaday door muhiim ah inay ugu jirto mashruucooda. Waxayna u fidiyeen kaalmo maaliyadeed iyo samafalayaal garab istaaga. Sanadkii 2002, waxay ballaarisay xarunta – iyada oo heshay miizaaniyad ku filan oo ay ku daryeeli karto Bisadaha ku jira gacanteeda.
Sanadkii 2004, tirada Bisaduhu waxay gaareen 500 – kuwa deeq-bixiyaasha ah ee jecel daryeelkoodana kuma aheyn wax fudud daboolista cunnada iyo daweynta ay u baahan yihiin. Nasiib-wanaag, deeq-bixiye deeqsi ah ayaa adduun dhan kaga tagay xanaanadooda.
Hadda tiradaas waxay noqotay mid hadba isasoo taraysa oo sanadkii 2011 waxay gaareen 800 in ka badan.
Cat-House-on-the-Kings2-550x412 Cat-House-on-the-Kings-550x428
Isha: radiohimilo.so
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!