Q2aad: Wax Ka Baro Haramacadka
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
December 15, 2015
1,119 Views
Muqdisho (Himilonews) – Haramcadku wuu wada cunaa gedi neefka ay hargaantaan ama ay qabsadaan. Wuxuu u kala tallaabaa keyma-roobaadka iyo bananka gabaahiirta ah. Si iskumid ahna wuu ugu gabraartaa. Wuxuu ku daran yahay dabaasha waloow sida Shabeelka uusan ahayn.
Waa soohdinle. Wuxuu labku seereystaa inta u dhaxeysa 30—78km oo wareeg ah. Halka dhedigtana ay soohdin dhigato 15—16km oo wareeg ah. Waa kaligii-soolane guureeya habeenkii. Labku, celcelis ahaan wuxuu calafsadaa 3.5 kilogaram halka dhedigtana ay calafsato 2.8 kilogaram oo hilib u badan.
Ku tiirsanaanta hab-nololeedka deegaan, Haramcadku wuu isku-tegi karaa xilli walba. Dhulalka diirran, sida Manjuuriya iyo Seybeeriya, waxay is-boodaan bilaha Janaayo iyo febraayo. Sidka Haramcadka waxaa loo shin-tiriyaa 90—105 maalmood. Way mataaneeyaan; ama afaroodiyaan. Hayeeshe, dhallaanku heerkooda nololeed wuxuu u dhaxeeyaa 41%–50% inta lagu guda-jiro sanadka ugu horreeya noloshooda. Da’da cimrigiisu wuxuu gaaraa 12—17 gu’yaal. Haramcadkii ugu cimriga dheeraa, taariikhda lahayo, oo ahayd dhedig waxay ku dhimatay 24—sano iyo 3—bilood. Haramcadkii lab ee ugu cimriga dheeraa isna wuxuu ku dhintay da’da 23—sano.
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-15
You must log in to post a comment.